Gudoomiyaha Garabka Dhallinyarada Xisbiga WADDANI Laantiisa Ottawa Oo La Kulmay Safiirka Kenya U Fadhiya Canada + SAWIRO

image

June 2, 2-14 Ottawa(SM) – Anigoo ah Eng. Abdillahi Dualeh Mohamed ahna gudoomiyaha dhallinyarada Somaliland ee Ottawa isla markaana ah gudoomiyaha garabka dhallinyarada ee xisbiga WADDANI ee laanta Ottawa, waxan martiqaad ka helay safiirka dalka Kenya u fadhiya dalkan Canada, Magaaladan Ottawa oo u dabaaldagaya sannad guuradii 50naad ee ka soo wareegtay markii dalka kenya ay horiyadeeda ka qaadatay dalka Boqortooyada Engiriiska.

image
Safiirka iyo madaxda kale ee martiqaadka ii fidisay waxanu ka wada hadalay sidii labada dal (Somaliland iyo kenya) wax uga wada qabsan lahaayeen dhinaca horumarka iyo iskaashiga.
Waxan u mahadnaqayaa safiirka Kenya ee martiqaadka ii fidiyey, waxa kale oo aan salaan sare u dirayaa shacabka reer Somaliland , Ciidanka qaranka iyo madaxda qaybaha qaranka Somaliland ka kooban yahay oo dhan.
Alla Mahad leh,
Eng. Abdillahi Dualeh Mohamed,
Gudoomiyaha dhallinyarada Somaliland Ottawa, Canada ahna
Gudoomiyaha garabka dhallinyarada ee Xisbiga WADDANI, Canada