Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Oo Maanta Kulan La Qaatay Wariyayaasha Madaxa Banaan Ee Ka Hawl Gala Dalka + Dardaaranki Faysal Iyo Dareenkii Wariyaayasha

image
Hargeysa (SM)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa maanta xarunta Xisbigiisa kulan kula yeeshay Wariyayaal ka Hawlgala Warbaahinta Kala duwan ee Dalka.

Kulankan oo ay ka soo qayb galeen inta Badan wariyayaasha madaxa Bannaan ee Hargeysa, ka hawlgala, ayaa uu Guddoomiyuhu si mug leh ugu dhiirrigeliyey sidii ay maanka ugu hayn lahaayeen Arrimaha Qaddiyadda Somaliland iyo heerka ay taagan tahay.

Guddoomiyaha ayaa wariyayaasha halkaas ugu akhriyey Warsaxaafadeed ay soo direen Waddamada Midawga yurub, Maraykanka iyo ingiriisku, kaas oo ay kaga Hadleen Arrimaha Deegaanada Sanaag-Bari iyo Sool-koonfureed, waxana uu warbaahinta ku adkeeyey inay si mug leh uga taxaddaraan marka ay ka warramayaan deegaanadaas oo ay iska ilaaliyaan erayada cadowga ka farxinaya.

Waxa uu gudoomiyuhu si buuxda ugu sheegay warbaahinta inay taageero buuxda oo niyadda ah siiyaan ciidamada furinta hore jooga ee difaacaya qaranimada dalka, isla-markaana ay qoraaladooda u isticmaalaan erayo ka farxinaya Ciidanka shacabkana ku abuuraya inay si buuxda ugu midoobaan Dagaalka lagula jiro nabad-diidka.

Guddoomiye Faysal waxa hadalkiisa si weyn u soo dhaweeyey Warbaahintii Halkaas iskugu timi, waxana ay kaga Fal-celiyeen Hawraarsan, waxana ay ku ballan ku qaadeen inay ka midho dhalin doonaan Waanada iyo wax u sheegga qiimaha leh uu u akhriyey.

Guddoomiye Faysal cali waraabe oo caan ku ah difaaca Qaddiyada Somaliland ayaa warbaahinta ka waaniyey inay ku mashquulaan kaftanka iyo dacaayadda siyaasadeed ee gudaha Somaliland ka jirta, balse ay muhiimadda siiyaan sidii ay difaaca dalkooda iyo dhiirrigelinta shacabkooda iyo ciidankooda qayb libaax uga qaadan lahaayeen.

Faysal cali waraabe waxa uu ugu dambayntii warbaahinta dalka ku adkeeyey inay iska ilaawaan kala fuquuqidda shacabka iyo siyaasiyiinta dalka, waxana tilmaamay inay inta Badan erayo ka farxinaya Cadawga Somaliland ay adeegsadaan Warbaahinta Dalka ka soo Baxdaa.

Salaanmedia/Hargaysa