Gudoomiye Cabdiraxman Maxamed Cabdilaahi (Cirro) Oo Si Kulul U Cambaareynaynaa Qaabka Uu U Dhacay Xukunka Masuuliyiinta Haatuf

waddani/ ciro

Hargeysa(SM) Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee Waddani ahna Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxman Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa si Kulul u  cambaareyey Xadhiga Masuuliyiinta Wargeyska Haatuf ee Maanta Xukunka lagu riday, waxanu Xukumada Madaxweyne Siilaanyo ugu baaqay in sidda ugu dhakhsaha baddan xoriyadooda ugu soo celiso Guddoomiyaha iyo Tifatirahaba.

 

Sidaasi Guddoomiyuhu wuxu ku sheegay Shirjaraa’id oo uu maanta ku qabtay Magaalada Hargeysa.

Waxanu yidhi “Waxan Doonayaa in aan Erayo kooban ka idhahado Xukunkii saaka Lagu riday Masuuliyiinta Haatuf, Guddoomiyihii iyo Tifatirahaba  iyo waliba Xaruntii wargeyska oo rusqadii lagala noqday, Somaliland waa qaran aynu doonayno in aynu wadda daafacno iyo in aynu wadda dhisno, iyo in aynu Ictiraaf raadino, Somaliland waxaynu ku iibinaynaa  in ay jirto saxaafad hor ah, Somaliland waxaynu ku iibinaynaa  in xoriyatulqawl jirro, Somaliland waxaynu ku iibinaynaa in Xuquuqal insaanka la ilaaliyo, Xukunka Maxkamada Haatuf waynu sugaynay, laakiin sidda la iisheegay saaka Subaxdii  hore aniga oo xafiiska fadhiya waxa dhacay waxa dhaqanka garsoorka ku cusub, oo ah Maxkamad xukunkeed oo la midi-roorteyey, iyada oo aanay joogin eheladii Yusuf iyo Tafatiruhu, iyada oo aanay joogin saxaafadu, iyada oo aanay joogin Nimankii u doodayey Masuuliyiinta Haatuf, iyada oo loo diiday dadkii farro ku tiriska ahaa ee goobta Joogay, iyada oo nidaamka maxkamada ka baranay ay hayd in maxkamadu noqoto mid furan.”Ayuu yidhi

 

Isaga oo hadalka sii watan wax auu yidhi. “ waxaanu si adag u Cambaareynaynaa Qaabka uu u dhacay Xukunka Masuuliyiinta Haatuf, haaddii xukunku cadaalad yahay may jirteen sabab xukunka loo qaariyo oo heleda looga qariyo oo saxaafada looga qariyo, waxanay u eegtay in xukunkaasi si cadaalad ah aanu u dhicin, waxaanu xukumada ugu baaqaynaa in la soo celiyo Madaxbanaanidii garsoorka Somaliland, kana madaxbanaanado wax kasta oo siyaasad ku saabsan, waxaanu xukumada ugu baaqayna in xoriyadooda u soo celiso Masuuliyiinta Haatuf, waxay ahayd in xeerarka saxaafada lagu maamulo xukunka suxufiyiinta balse waxa iska cad in aan xeerkii lagu dhaqmin laguna xukumin, oo xeerar kale lagu maamulay, waxanu u soo jeedinaynaa in saxaafada Sideedaba lagu maamulo xeerka saxaafada, arrintaasi waa Farriin aanu u dirayno Xukumada, Garsoorka iyo Beesha caalamkaba.”Ayuu yidhi Cirro.

Salaanmedia/Hargaysa