Gudoomiyeyaasha Maxkamadaha Racfaanka Gobolka Sanaag Iyo Maxkamada Gobolka Oo Dacwado Ka Gudbiyey Xeer Ilaaliyaha Gobolka Sanaag + Cadaymaha Labada Dacwadood Iyo Meelaha Loo kala Diray

images

Gudoomiyeyaasha Maxkamadaha Racfaanka Gobolka Sanaag Iyo Maxkamada
Gobolka Oo Dacwado Ka Gudbiyey Xeer Ilaaliyaha Gobolka Sanaag +
Cadaymaha Labada Dacwadood Iyo Meelaha Loo kala Diray.

Ceergaabo (SM) Gudoomiyaha Maxkamada Racfaanka Gobolka Sanaag Sheekh
Axmed Iidle Suleymaan Iyo Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Sanaag Sheekh
Aadam Saalixi ayaa waxaa mid kastaaba dhankiisi ka gudbiyey Dacwado ka
dhan ah Kuxigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ee Gobolka Sanaag,
dacwadahaasi oo labada gudoomiye u direen Xafiisyada Xeer Ilaaliyaha
Guud ee Qaranka, Gudoomiyaha Maxkamada Sare iyo Gudida Cadaalada ee
heer qaran.
Labada gudoomiye ayaa wada shaqaynta xeer ilaaliyaha sanaag ka gacmo
taagtay, kadib markay mudo badan u dulqaadanayeen arimo is-biirsaday
oo ay kamid yihiin, Xidhnaanta joogtada ah ee xafiiska Xeer ilaalinta,
hab dhaqanka iyo qayra-masuulnimada  dhalinyaranimadu hogaanka u tahay
ee xeer ilaaliyaha gobolka, Masuuliyadii iyo xilkii umada oo la saaray
nin aan qaadi karin oo Suudhiga la xulay, qaylada iyo dacwadaha
joogtada ah ee kasoo yeedhaya shacabkii xeer ilaaliyaha xilka loogu
dhiibay iyo hagrashada joogtada ah ee waano iyo wax usheegidi
dawadeeda noqon weyday, ayaa waxay noqdeen kuwo cid kastaaba shacab
iyo maamulba ay xamili kari waayeen taaso dawo u raadinteedi isugu
biyo shubatay dacwad iyo in gacmaha laga taagto kolkii looba taag
waayey.
Waana kuwan akhristayaal dacwadaha kala duwan iskuna mawqifka iyo
ujeedada ah ee labada gudoomiye waa Racfaanka iyo Gobolkee ka
gudbiyeen wiilka la huwiyey haylaha aanu lahayn ee xeer ilaalintii
Gobolku isaga u xidhan tahay.

unnamed