Guurtida maxaa siyaasada geliyey ee Kulmiye sharci uuga kala bixi waayey ma miyi baynnu joognaa by Abdi Mustafe

MAQAAL
Waa xaaraan maqdaca iyadoo xisbiga Kulmiye sharci leeyay in guurti loo xil saaro khilaaf kooda. Goor maynnu dowlada noqonaynaa hadeynaan sharci qoran ku kala baxayn. Khalad bay ahayd in Suleiman Gaal London ka soo cararo uu yidhaa Kulmiye ayaan heshiisiinayaa. Muxuu heshiisiin caawa haduu dhinto waxa lagu xasuusta ba waa in uu ahaan jiray nin qabiili ah. Sharcigii Kulmiye mee??? Maxkamadi meeday???
Hadaba magaaladan geel iyo adhi inooga dhaqa hadaan sharci jirin. Guurtida garta naqday waa oday dhaqa meed wada gaboobay oo dirqi kuwada soconaya.
Abdi Waraabe isagu wuxuuba taaganyay xaga madaxweynaha ha loo ciiro … dabeed gartuu naqay maxay ahayd. Suleiman gaal isna naftiisa wuxuu uugu laxe jeclo badanyay qabyaalada oo isagoo la misigta laga qali lahaa ayuu ka soo cararay UK oo uu guurti gacan tiisa ku soo xulay gartiina uu inaadeerkii Silaanyo u naqay.
Hadaba dowlad nimo iyo Somaliland nimo iyo gooni isu taag ha la iska ilaawo inta guurti dhan ka rarani ay khilaafka siyaasada xalila yaan oo aan sharci lagu kala baxayn. Reer miyigaa aynnu iska ahaano inta Xamar la inagu darayo.
Suaal: Suleiman gaal yaa uuga yeedhay UK ee ku yidhi khilaafka Kulmiye guurti u soo xul … Jawaab: ina adeer kii Silaanyo ayaa tolaayey yidhi markii Muse Biixi ku dhawaaqay in uu musharax yahay. Suleiman awood aannu lahayn buu ku galay khilaafkii Kulmiye Muse Biixi na inuu ka yeelo may ahayn. Guurtiduna mar walba madaxweynaha ayay garabka saaraan. Sharcigii Kulmiye mee????????????