Ha laga mudaharaado dowlad xumida iyo boobka Silaanyo iyo qoys kiisa iyo wasiirada ku xeeran by Abdi Mustafe

MAQAAL
Silaanyo iyo qoys kiisu iyo wasiirada ku xeerani dalka dan kama laha ee boob uun bay u joogaan. Wadankina hoos buu u dhacay, ictiraaf isagu inaga dhimay, xadhiga dadkuna sidii faqashtii caadi buu noqday oo car juuq dhe baa ka dhacday. handitidii ummada jeebka Silaanyo iyo qoys kiisa ayey gashay oo siduu doono ayay u istic maalaan. boqol laal kun baa geel walba lagu qarash gareeyaa sidii odayaal weji ku macaash ah TV ga qudhmis looga daawado. Dowlad nimo iyo cadaaladi meesha wey ka baxday.
Warbaahintii weynnu arag naa hubaal iyo haatuf in al baabada loo xidhay. Madaarka Hargiesa xisbiyada mucaarad ka ah waa lagu dhibaa in loo ogolaado qolka VIP da si saxaafadu u wareysato. Cudur baa ku dhacay dowladii ay ka baqayso waxaan la garanayn oo ay rabaan in ay sidii afweyne dalka u xukumaan.
Shicib waliba halkuu is dhigo ayey dowladi ku xukuntaa. Maantana shicibka reer Somaliland wey hurdaan ee ha la tooso oo darxumada ha la diido oo mudaharaado dalka oo dhan ha laga rido markaas ayay dowladu dub u joogsan oo ay wax fahmi e. Hadii kale duligaa ha lagu jiro inta ay Amina Weris iyo Baashe Cawil Morgan noqonayaan Billionaires.