Haddii Dahabshiil aanu ku jirin siyaasad, ayaa keenay Sacad shire iyo Xirsi

image

Haddii Dahabshiil aanu ku jirin  siyaasad, ayaa keenay Sacad shire iyo Xirsi  

 

Iyadoo aad moodo baryahan  danbe in dad badan xariifiin ku noqodeen daad raacista iyo difacaacida dahabshil  inaanu ku jirin siyaasad oo la odhan karo  in dadkaasi dano gaar ah ay leeyihiin ama ay ka xishoonayaan inay runta sheegaan si aan loo odhan waa (risiq maanic) oo ay u badan yihiin shaqaalahiisa ama cid hore ugu soo shaqayn jirtay sidaan ku sheegi doono qoraalka halkiisa danbe ayaa xaqiiqadu tahay in arintu ay dhanka kale  u badan  tahay.

Qof kaste oo muwaadin Somaliyeed ahi waa u ku jiraa daniga ah in dahabshiil faro galin ku hayo  siyaasada labada dal ee Somaliland iyo Somaliya.

Haddaba hadii caadifada gaarka ah la iska dhigo dhan in yar, bal aynu ka soo qabano meel dhaw  oo ku tusinaysa ku lug lahaanshahiisaa arimihiisa siyaasadeed ee dalka. Inagoo dhamaanteen ogayn in qof kaste oo ka tirsan beesha madaxwaynahu meel kaste oo ay ka joogaan aduunka laga ururiyay lacag dhan ilaa ku dhawaad dhawr boqol oo kun si ay ugu galaan tartanka, ayaa su’aasha iswaydiinta leh ay noqonaysaa kaalinta uu  ku lahaa maalqabeenka dahabshil oo ka soo jeeda reer tiro yar oo ka tirsan gaashaan buurta habarjeclo oo la yidhaa Sanbuur.

Iyadoo haddaba aynu ka wada dharagsanahay sida ay beeshu iskugu duuban tahay oo aanay u kala hadhin meel markooda iyadoo sababtu  tahay tiro koobnida oo keensatay in afar juffaad is bahaystaan oo loogu magac daro habar jeclo  si ay cadawga iskaga caabiyaan, ayaa xaqiiqada dhabta  ahi tahay in dahabshil looga fadhiyo bixida lacagtii ugu badnayd ee  lagu galay qaadhaan ururintii kulmiye, hase ahaate ku xidhnaan doonto in haddii xisbigu guulaysto loo fuliyo shuruudaha u dhigtay oo u kaga talaabo horaynayo ganacsatada kale iyo inuu ku lahaado erey fulineed dawlada dhexdeeda.

Su’aashu haddaba waxay tahay haddi aad aaminsatahay inuu dahabshil ka faro madhan yahay siyaasad  inaad iswaydiiso wax isla markiiba ka dhigay siyaasi ninkii shirkadiisa waqtigaa maamulayay oo la yidhaahdo Sacad cali shire oo waligii meel siyaasad ama loolan iyo tartan siyaaseed jiro lagu arag ka hor intii aanu xisbigani guulaysan. Dhanka kale Sacad Shire waxa lagu tirayaa inuu ku wanaagsan  akaadeeminimo iyo shaqo gudasho xafiis oo kaliya

Ma iswaydiisay haddaba ninka leh dahabshil siyaasi maaha in isla markii kulmiye ku guulaystay tartanka sababta ka danbaysay in  sacad lagu soo dhextuuro siyaasada isagoo aan ahayn nin siyaasi ah ?

Ta xigta isaguna waxay tahay maxaa keenay wiilkii kale ee ay ilmaabtiga ahaayeen xirsi oo ku jiray diwaanka shaqaalihiisa oo horena ugu shaqayn jiray inuu isla markii kullmiye helay doorashada  loo magacaabo wasiir oo si gaar ah looga dhigo horjoogaha  albaabka madaxwaynaha. Waa fariin marag ma doon ah.

Iyadoo haddaba labadaa nin ee sida tooska ah ugu abtirsanaya dahabshil ay ugu jiraan dawalda oo aynu ognahay culayskooda, ma waxay ku la tahay inuu dahabshil aanu ogayn ama raad ku lahayn go’aamada dawaladu gaadhayso ama aanu ka warqabin sida dalka loo maamulayo iyo halkay tahay in loo jiheeyo. Waxa hubal ah doorka uu ku lug lahaa magacaabida dahabshiiiil labadaa wasiir ee aynu kor ku soo xusnay oo ka turjumaysa awooda u ku dhex leeyahay dawladan iyo raadkiisa aan la qarin Karin.

Nin kaste oo is daad raacinayaw naftaada ma waydiisa waxa isaga gooni uga suntay ganacsata kale ee af somaliga ku hadasha. Maxaa ka qaylisiiyay shacab waynaha somaliyeed ee ku kala dhaqan dhul badan oo kala duwan dalkan aynu jaarka nahay ee somaliyeed.?

Waxaad ka wada warqabtaan inuu  iska laaluluushay nin wax ka qori jiray oo daba gali jiray doorka dahabshiil ee siyaasadeed oo la yidhaa dahir calsaw, oo kaga guulasytay maxkamadii ay isla hortageen netherland, markii danbana ay kala dhex galeen boqor buurmadaw iyo ambassador cabdifatax  oo la iswaydaarsaday lacag sida u sheegay calasaw inkastoo aanu afk ku dhufan inta qadarkeedu leegyahay hase ahaate faro badan.  Suaashu waxa weeyi maxaa keeni kara inaad bixiso lacagta intaa leeg haddii aanay wax jirin?

Ugu danbaytii waxaan xasuusinyaa nimankii dhawaan difaacayay ee u ka mid ahaa abshir oo hore madax uga ahaan jiray  mareeye qayb ka mid ah shirkada dahabashiil iyo ninkii kale ee madaxda ka ahaan jiray qaybta korantada dahabshiil shido in waligii dahabshil siyaasad lagu tuhunsana tan iyo intii la xidhay shirkadii xawaalada barakaaat ee ciddi rabta inay xaqiiqada ogaato ha ku dhaqaaqaan baadhitaan kooban.

cumarcali2@gmail.com
Cumar cali