HALKAN KA AKHRI: GO’AAMO KA SOO BAXAY SHIRKA DAWO IYO DAREEN OO KA QABSOOMAY WAQOOYIGA HARGEYSA+DAAWO SAWIRRADA

image

Hargeysa (SM)- Shirka DAWO iyo DAREEN oo mid ka mid ah beelaha Waqooyiga iyo Galbeedka Hargeysa (Makaahiil Isaxaaq/Sacad Muuse) uga qabsoomay duleedka caasimadda, ayaa laga soo saaray go’aamo ka kooban lix qodob.

Shirkan oo ay ka qaybgaleen madaxdhaqameedka, aqoonyahanka, ganacsatada, siyaasiyiinta iyo qaybaha kala duwan ee beeshu, ayaa muddo laba maalmood ah oo uu socday lagaga wadahadlay arrimo kala duwan oo danaha beesha ku saabsan.

War-murtiyeed lagu soo ururiyey go’aamada soo baxay oo laga akhriyey gunnaanadkii shirkaasi, waxa uu u qornaa sidan:

“Shirweynaha beesha Makaahiil Isaxaaq ee DAWO iyo DAREEN ee ka qabsoomay degaanka Waqooyiga caasimadda Hargeysa 23/06/2014 – 24/06/2014, kana qaybgaleen salaadiinta, Ugaaska beesha, cuqaasha, aqoonyahanka, siyaasiyiinta, ganacsatada, dhallinyarada, qurba-joogga iyo haweenka, kaasi oo lagaga arrinsanayey masiirka iyo danaha beesha, waxa gebogabadiisiika soo baxay:-

 

BAAQ IYO TALO SOO JEEDIN

1. Shirweynuhu wuxuu si buuxda u garab taagan yahay jiritaanka Qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland

2. Shirweynaha waxa saldhig u ah adkaynta nabadgalyada

3. Shirweynuhu wuxuu xoojinayaa walaalnimada, wada noolaanshaha iyo is-dhexgalka dhammaan beelaha Somaliland ee walaalaha ah, gaar ahaan beelaha ood-wadaagta la ah beesha

4. Shirweynuhu wuxuu caddaynayaa in laga midaysan yahay ilaalinta iyo horumarinta dhammaan degaannada beeshu degto.

5. Shirweynaha DAWO iyo DAREEN wuxuu u jeedinayaa xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland in saami-qaybinta manaasiibta Dawliga ah ee beelaha Somaliland aanay caddaalad ku saleysnayn oo ay muuqato in dhinac laga raray.

6. Shirweynaha waxa lagu go’aansaday in la dhiso guddi horumarineed oo beesha u qaabilsan horumarinta iyo arrimaha siyaasadda,” ayaa lagu soo gabogabeeyey war-murtiyeedkaasi.

Salaanmedia/Hargaysa