HaMbalyo afartan guuro aroos oo suugaana

MOHOLIN

26 / 6 / 1974- 26 / 6 / 2014
waxa aan salaama-yaa SALAANMEDIA
iyo asxaab-tiisa

Waa maanso sheegaysa geesta wacan
Ee nolosha iyo in ilaahay loogu mahad naqo
Suugaan hanbalyo
Hanbalyo afartan guuro ka soo waregtay
Aroos reer ilaa hadda si jacayl ku dheehan yay
U wada nool ubad innamiyo hablaba helay
…….
Aan bilaabo.
Arbaciin sanuu maanta yahay
Aqal galkii-niiye
(AL XAMDUDA RABBAAd )goor kastaba
Aad u badisaane
Innamiyo hablaba (WEYNAHEEN )
Keen agtiinaba,e
Iyagiyo ku wii ay dhaleen
Buuxi aqal-kiiye
Ummo iyo ayeeyey dhammaan
Ku istaree-xaane
Idilkood-ba farax bay duleed
Ku ag wareegaane
..
idinakoon da,weynayn haddana
Oolku buux noqoye
Oori weeye loo marag ka coo
Aadamaa jecele
Islaamkana wixii garana yee
Eray ku faaleeya
Ehel-khayr ku sheegiyo midaan
Abid la diidayne

Ogaal weeye reeruhu dhammaan
Aamin ku qabaane
Waa asturada goortii kastaba
Ururin beesheede
Axda daalba tii aan lahayn
Yaw astaanta ahe
Alleyl iyo mid weeyaan dharaar
Unug ku taagnaane

Asal iyo haddii xididadeed
loo abtiri-naayo
laan arooray weeyoo cidkale
soo ag dhiga-nayne
( ALLAHAAN )baryee caafimaad
Abid ku nooleeye
Isha cawri qaadiyo xumaan
Kumaba eegaane

Aakhiro firdawsiyo jannada
Awliyada raace
Afartan iyo dheeraad kaloo
Wada udgoon kaasa
AL-RAXMAANKU )haydiin aqbalo
Wada ayaan khayr leh
Edebtiyo xishood kaaga wacan
( EEBE ) kugu deeqay
Ubad kaagu kula eesha yoo
Ducada aamiine
Odaygoo ku jecel yaana qiray
Wada ammaan taase .

Curiye . Maxamuud cismaan faarax ( moholin )