HAMBAYO IYO BOGAADIN KU SOCOTA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADA SL MUJAAHID A. M. M. SIILAANYO MADAXDA XISBIYADA QARANKA, GOLAYAASHA QARANKA IYO CIIDANKA QARANKA SL.

image

HAMBAYO IYO BOGAADIN KU SOCOTA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADA SL MUJAAHID A. M. M. SIILAANYO MADAXDA XISBIYADA QARANKA, GOLAYAASHA QARANKA IYO CIIDANKA QARANKA SL.

 

BISMILAAHI RAXMAANI RAXIIM:

Waxaan halkan hambalo iyo bogaadin uga soo dirayaa madaxweynaha SL mudane mujaahid Ahmed M. M. Siilaanyo shirka qaran ee uu isugu yeedhay madaxda qolayaasha iyo xusbiyada qaranka ee lagaga tashanaayey xaalada colaadeed ee ka soo curatay gobolka Sool.

 

Sidoo kale waxaan hambalyo taas la mid ah halkan uga soo dirayaa, madaxa xisbiyada iyo golayaasha qaranka ee sida wadaniyada ah ugu taageerey Madaxweynaha iyo xukuumada SL

difaaca iyo ilaalinta qaranimada dalka.

 

Sidoo kale waxaan hambalyo iyo bogaadin aan la soo koobikarin halkan uga soo gudbinayaa ciidanka qaranka SL ee jiida hore, sida geesinimada leh ee ay habeen iyo maalin uga difaacayaan

dadka iyo dalka SL cadawga.

 

 

Shacabka reer SL waa shacab nabada iyo wadanoolaanshaha jecel. Waa shacab u guntaday iyo dalkoda hore umariyaan oo diyaar u ah inay deriswanaag iyo amni kula noolaadaan dawladaha jaarkooda ah.

 

Sidoo kale shacabka reer SL waxay caan ku yihiin difaaca iyo ilaalinta qaranimadood. Waa shacab maalintay qadhaadhahay meel iska dhiga wax kasta oo kale, una midooba inay dhiig udaadiyaan dalkooda.

 

Ugu danbayntiina anigoo ku hadlaaya dhamaan shacabka reer SL ee Sweden waxaan halkan ka cadaynayaa inaanu hiil iyo hooba la garabtaaganahay xukuumada, shacabka iyo ciidanka qaranka Somaliland.

 

 

 

 

ALLAA MAHAD KELIDII ISKA LEH

 

 

 

HA NOOLAATO SOMALILAND

 

 

 

 

 

 

Juni 16-2014

 

Stockholm, Sweden

 

Ibrahim Ali Adan

Xoghayaha xusbiga Kulmiye ee Sweden