Hamigii siyaasadeed ee Mujaahid Muuse Biixi Cabdi oo lagu aasay xabaal uu isagu gacantiisa ku qoday iyo taageerayaashiisii oo anfariirsan

Hamigii siyaasadeed ee Mujaahid Muuse Biixi Cabdi oo lagu aasay xabaal uu isagu gacantiisa ku qoday iyo taageerayaashiisii oo anfariirsan

Daawo : Hees Cusub Oo Loo Sameeyay Muuse Biixi ” Kurigaasaan Caashaqayee Madaxweyne Kol Idhaha “

Waxa wanaagsan in qofku yaqaano oo barto waxa uu mihinad ka dhiganayo ama ay tahay hibo ilaahay siiyey. Waxa cad in Mujaahid Muuse Biixi Cabdi aanu siyaasada baran oo kuliyad uga soo bixin, isla markaana aanay ahayn hibo ilaahay siiyey. Waxa arintaas markhaati ka ah qeexdii uu ka bixiyey macnaha ereyga SIYAASAD ama POLITICS, markii warbaahinta la hadlayey ee maanta sheegayey inuu jagadii musharaxnimada maxaweynaha ee xisbiga kumiye uga tanaasulay madaxweynaha Axmed Siilaanyo, wuxuuna Muuse yidhi ‘’ Sida Kubadda cagta, siyaasada iyo noloshuba waa game, kaasi oo la kala badiyo’’, wuxuuna tusaale usoo qaatay Spain iyo England oo lagu reebay wareegii kowaad ee koobka aduunka. Wuxuu intaa raaciyey in siyaasadii laga badiyey uuna aqbalay guuldaradaas gaadhey.

Inkasta oo Spain iyo England lagu reebay fagaare billions qof daawanayeen, ma jiro fagaare ama beretan muuse galay oo lagusoo reebay, arintan uusameeyeyna waxay taageerayaashiisii oo qaarkood aawadii xabsi ugu jiraan kunoqotay lamafilaan iyo naxdin, waxaanad moodaa inaanu eegin dareenkii dadka taageersnaa ee uu eegay dantiisa iyo tan ganacsato dana gaar ahaa lahaa oo ay isku hayb yihiin, ee aanu eegin dareenka taageerayaashii udhintay ama udhaawacmay ama xabsiga Berebera maanta ku jira. Taasi waxay cadaynaysaa aqoondarada Muuse ee dhinaca siyaasada, taasi oo laga dheehanayo qeexdii uu siyaasada ka bixiyey.

Hadaba waxaan Muuse iyo qaar badan oo kale usheegayaa macnaha ereyga siyaasad:- Siyaasad oo afka Ingiriisida lagu yidhaahdo POLITICS waxay kasoo jeeda erey Greek ah POLITIKOS oo macnihiisu yahay (wixii shacabka), waana hibada qof kaga dhaadhicin karo bulsho ama shaqsi aragi uu doonayo inuu hirgeliyo, taasi oo haduu ku guulaysto keeni karta inuu bulshadaas xukumo.

Waxaad arkaysaa in shacabka taageerayaasha ahi ay yihiin udubdhexaadka siyaasada, waana kuwa Muuse milgohoodii iyo maamuuskoodiiba uu meel kaga dhacay, waana kuwa haduu isagu qaatay cad quudheed aan iyagu noqon doonin kuwo sharaftooda meel kaga dhaca oo qaada wadada khaldan ee hogaamiyohoodu qaaday, sida qudha ee dhaawacaa iyo niyad jabkaa kagasoo kaban karaana waa iyagoo si degdeg ah ugu biira xisbiyada mucaaridka sida UCID iyo WADANI.

Shacabka Soomalilan Allow dhowr.

Ahmed Mohamed (Ahmed Ceerigaabo)