HEES Layidhaa Shacabkow Wax Dhagayso

Hees

Waxaan halkan ka canbaaraynayaa xadhiga laguka kacay gudoomiyihi Haatuf MUJ Yusuf Abdi Gaboobe iyo Tafatirihii Axmed Cali Cige,waa nasiib daro dalkii waxa maanta ka socdaa mana aha wax loo dulqadan karo,balse aragtidayda waxaan ku soo gaabinayaa HEESTAN ee ila dhuuxa,Magaca Heesta waxa layidhaa SHACABKOW WAX DHAGAYSO,Cid alaale cidii ku luuqaynaysa waa u fasax,By Abdillahi Hassan Mataan:
Email: togdheer2000@hotmail.com

27-06-2014.

Shacabkow wax dhageyso
Duqi wuu dhaca yaaye
U dul qaado,haa dhibkiisa
&&
Marhaduu ina dhuuxay
Shantiisa ha dhamaysto
Mudana loo kor dhin maayo

Dhaawiciina xoreeyey
Dhamacda saaray naftiisa
Ragan jeelka dhigaaya
&&
hadii aad dhuganayso
Ji-dh naxaa kugu yaalo
Uga dhaaro codkaaga

Madaxwayne dhulkeena
dhalanteedka haweenka
Waxan been la dhuraayo
&&
Wasiir kaa dholo laaya
Guulwadaa dhinac jooga
ha dhagaysan dhibtooda