Hogaamiye Dhaqameed Reer Togdheer ah oo Kashifay Socdaalka Warancade ee Burco iyo Guul Darada Xukuumada ee Taladii Dalka iyo Midnimadii Shacabka

image

Burco-(SM)-Suldaan Maxamed Muuse Cune oo ka mid madax dhaqameedka gobolka togdheer ayaa maanta si kulul uga hadlay imaanshaha wefti uu hogaaminayay wasiirka arimaha gudaha ee Somaliland Cali Maxamed Warancade ay ku yimaadeen magaalada Burco kaasi oo sheegay inay wadaan qorshe ay ugu magacdareen ilaalinta nabad galyada balse wajigiisa dhabta ahi yahay mid la doonayo in la ururiyo odoyaal iyo madax dhaqameed tageera siilanyo musharaxnimadiisa.
Suldaanka oo ugu horaynba Faahfaahin ka Bixiyay Socdaalka Wasiirka ayaa sheegay in xiligan nabadgalyada Togdheer ay tahay mid sugan wax dhibaato ahina aanay ka jirin balse afgobaadsiga wasiirka ee ah inuu kala hadlayo cuqaasha togdheer ay tahay arimo siyaasadeed oo salka ku haya sidii uu tageero ugu raadin lahaa musharaxnimada madaxweyne Siilanyo ee doorashada soo socota.
“Waxaa ayaan daro ah in lagu afgobaadsado ilaalinta nabadgalyada ayaa tababar ku saabsan odoyada loo furayaa hada gobolkan togdheer wax nabadgalyo daro ah oo ka jirtaa ma jirto balse wasiir warancade waxaa haboonayd inuu u jeedadiisa ku aadan waxa uu u socdo uu si cad ugu sheego bulshada waxaaana hubaala in ololaha madaxweyne siilanyo musharaxnimadiisa uu wato taasina aanay ahayn tii maanta looga fadhiyay ee laga sugayay”
Suldaan Maxamed Muuse Cune waxa uu ka dhawaajiyay in xiligan cadaalad darada,Qaraabakiilka,habawga siyaasadeed iyo cabudhinta saxaafadu ay noqdeen itaalka kaliya ee xukuumadu haatan ku dhaadanayso taasina ay noqon doonto mid dhalisa kacdoon bulsho oo ka daran kii lagala horatagay kaligii taliyihii maxamed Siyaasad Barre waxaanu sheegay in bulshada oo la cabudhiyaa aanay xal noqon doonin.
“Bulshada Somaliland ee maantu maaha tii lagu cabsiin lahaa ciidamo weji duuban oo niqaabo sita waxay maatada iyo haweenku goob joog u ahaayeen tacadigii ay gaysanaysay dawladii awooda badnayd ee keligii taliyihii Maxamed Siyaasad Barre iyagoo qaarkood dhagxaan kala hortagay halka madaxweyne siilanyo waxa dhacaya adisababa iyo jigjiga ka dhegedhegaynayay xiligaas balse waa ayaan daro laga bixi doono waqti aan sidaasi u sii fogeyn shacabkii madaxweyne siilanyo fartooda ku doortayna weli waa ay noolyihiin”
Geesta kalena Suldaan Maxamed Muuse Cune mar wax laga weydiayay Walaalnimada Beelaha Somaliland waxa uu tibaaxay in xukuumadu wado qorshe iska horkeen ah oo ay ku doonayso inay ku samaysato mudo korodhsi aan xilgan laga yeelayn sidaas darteed ay abuurasyo marmarsiinyo ay doonayso inay doorshada kordhiskeeda qiil ugu hesho.
Suldaanku mar uu la hadlaayay golayaasha sharci dajinta ee metela shacabka waxa uu ugu baaqay in loo baahanyahay inay gutaan waajibaadkoodii qaran ee loo igmaday isagoo ayaan darana ku tilmaamay in gudoomiyaha golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan ku fashilmay wixii laga filayay xanuun dhoofkiisiina isugu soo biya shubtay inuu garabka saaro waqtigii xalinta khilaafka kulmiye madaxweyne siilanyo duudsiyayna xaqii uu Gudoomiyenimo ee muuse Biixi lahaa.
Ugu Danbayntiina waxa uu Suldaan Maxamed Muuse Cune ugu baaqay shacbiga Somaliland meel kastay joogaanba inay ilaashadaan nabadgalyadooda sharka ay wado xukuumadanina aanay la qasanin ee ay ka roonadaan una tudhaan nabada uu ku daatay dhiiga badani goonyahana ka wada istaagaan isagoo madaxweyne siilanyana ugu baaqay inuu hurdada ka tooso oo isdaba qabateeyo aakhirana waa ka danbaysaaye falalka haatan socda darteed.

Salaanmedia/Burco