Ilaahayaw HAA iyo MAYA afkayaga mar ha ka wada yeedhsiin

MAQAAL

Ilaahayaw HAA iyo MAYA afkayaga mar ha ka wada yeedhsiin

Qabaw waxa lagaaga fadhiyaa qaadhaankii tolka aad ka urursatay iyo maxkamadii Siiranayo

Hore ayaa loo yidhi ninkii noolay maxaa aragti ku laaban. Muddo aan sii fogayn ayaa siyaasi isku sheega qabaw idicaad iyo telefishan kaste ka muuqday isagoo ku goodinaya waxaan maxkamad gaynayaa Siraanyo iyadoo u sabab u  yahay dhiiga daadatay dalka bari iyo galbeedkiisa ka dib doorashadii macmalka ahayd ee ka dhacday Somaliland.

Iyadoo aan la diidi Karin dhiigii daatay iyo sidii dawladan gurraco ay u dhacday doorashadii xaraanta ahayd ee degaanadahalkaas oo lagu reebay xisbigii xaqsoor ee sida muuqata soo baxay, ayuunbaa wax mudh soo yeedhi nin geesi ah oo la yidhaa Qabo. Ninkan oo meel kaste soo dhigi jiray waraaqo iyo dookimaantayo lagu cadaynayo sidii doorashada loo xaday isla markaan ku goodinaya inuu maxkamad la tiigsanayo madaxwayne Tiiraanyo.

Waxa hubaal ah isoo ay raganimo u noqon lahayd inuu hawsha halkaa kasii wado meeshay  doontaba ha la gaadhe oo bilaabay inuu qaadhan xoogan ka qaado beesha Arab isagoo wacad ku maray inaanu arintaa ka hadhayn, qareeno badan oo cadaan ah  oo hawshaa ugu galaana ka qabsaday dalka la yidhaahdo UK

Halkii loo wada hanqaltaagayay  inuu  maxkamada aduunka (Hague) soo taago madaxwaynahan maqaar saarka ah ayaa si lama filaan ah uu markale mudh ka soo yidhi qasriga madaxtooyada isagoo ku hadaaqaya amaanta madaxwaynihii dhaqar qabaha ahaa shalay.

Amakaag iyo yaab iyo af kala qaad ayay dadkii ku noqotay iyo mucjisadii aduunka ee sagaalaad iyadoo la ogaa mawqifkii u ka taagnaa dawladan iyo madaxwaynaha gaar ahaan. Haddaba iyadoo aan saaxada siyaasada ku cusbayn in nin siyaasi isku sheegi hadba sidii jirjiroolaha dhan u xuub siibto ayaa wax ninkan Qabo loo yaqaan ku baro dhaafiyay wixii hore oo dhan inuu kursi wali ilaa hadda aanu ku fadhaysan u siisto dhiigii caruurta u adeerka u yahay ee iyadoo la wada arkayo lagu laayay xaafada ahmed dhagax iyo sidoo kale la ogaa wixii ka dhacay Saylac.

Qofku bani aadamku kol hadii u damiir beelo xoolaha kama duwan in kolba dhan loo kaxaysto. Waxa ummadii oo dhan ka yaayaqsootay isaga iyo kaba qaadka beesha ugu wayn ee Nacnac inta lacag la soo siiyay ay soo ururiyeen caruur iyo dhawr oday iyagoo halkaa uga goodinaya gudiga wadatashiga oo la rabo isla markaa in la isku dhufto iyaga iyo walaalahooda beesha subeer awal ee habar magaado.

Waxaa xusid mudan in Qabo loo sheego in beeshu ka kortay in adigoo kale oo dhiigii caruurta tolkaa kursi ku raadsanaya aanay cidi dhag iyo jalaq kuu dhigeen oo cid wax kaa qoraysaa aanay jirin iyo reero aad isku dhufato.

Hadii wax sharaf ahi kugu hadhay waa la ogyahay inaanad Tiiranyo meelna aanad gaynayne ee adigoo raali ma soo celi kartaa qaadhaankii aad tolka ka qaadatay.

Horaana loo yidhi ilaahayaw afkagaya Haa iyo May mar ha ka wada yeedhsiin.

Cumar Cali