İlmadii Aqoonyahanka:Geerida Marxuum Cabdirisaaq Axmed Cali(Fool Caynab)

İlmadii Aqoonyahanka:Geerida Marxuum Cabdirisaaq Axmed Cali(Fool Caynab)
İnta suxulkaagu xabaal ka sukeeyo waxay naftu la kulmaysaa farxad iyo murugo isu bedbeddalaya sida maalinta iyo habeynkuba isku beddelaan.

111
Nolosha ayaa mar kaa farxinaysa marna kaa nixinaysa.
Waa dabeecadda nolosha inay laba wejiilayso.Rabbi xigmaddii u daa.
Geerida, Rabbi baa abuuray oo dhammaanteen waynnu idlaan doonnaa.
Qormadan gaaban waxaan ugu baroordiiqi doonnaa, walaalkeen Cabdirisaaq Axmed Cali (AHU).
Cabdirisaaq, ilaahay ha u naxariisto’e wuxuu ahaa nin dhalinyaro ah oo mutacallin ah.
Aqoonyahan Maxamed Cismaan Nuux-dheere, oon waydiiyay sooyaalkii marxuumka ayaa sidan iigu warceliyay:”marxuumku, Waa Cabdirisaaq Axmed Cali markalena waa Fool Caynab Aamus.Wuxuu  dhashay sannadkii 1985-kii, iyo magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag,isla halkaas buu ka bilaabay waxbarashadiisii ugu horraysay ee quraanka iyo dugsiyadii hoose dhexeba.
Dugsiga sare ee “Xaaji Aadan Secondary School” ee ku yaalla Ceerigaabo ayuu dhammaystay.
İntaas kaddib, wuxuu waxbarasho ugu soo kicitimay magaalada caasimadda ah ee Hargaysa;halkaas buu ka bilaabay Jaamacadda Hargaysa laba sanno oo “Survoyer ah”.
İntaas kaddib, wuxuu aqoontiisii dib ugu celiyay magaaladii uu ku dhashay ee Ceerigaabo oo uu ka hawlgali jiray Hay’adda Jermany Agro Action.
Aqoonyahan/Marxuum, Cabdirisaaq Axmed Cali wuxuu go’aansaday inuu sii horumariyo waxbarashadiisa dabaddeed, wuxuu shandadda u soo xidhxidhay dalka Ethiopia gaar ahaan magaalada  Adis ababa.
Xilligaas uu Adis ababa yimid marxuumku, waxay ahayd 2009-kii, oo uu Jaamacadda Central University ka bilaabay shahaadada koowaad ee Jaamacadda Caafimaadka”.
Maxamed Cismaan Nuux-dheere iyo marxuumkuba waxay ahaayeen saaxiibbo iyo arday  jaamacadaha İtoobiya ka wada baran jiray.
Cumar Maxamed Axmed(Hawsi) oo ay isku fasal iyo saaxiibboba ka wada ahaayeen Adisababa, ayaa isaguna iiga warramay waayihii ay marxuumka soo wada mareen;xilliyadii ay bilaabeen waxbarashada heerka koowaad ee kulliyadda caafimaadka ee Centraal University.
Cumar Hawsi, oo kamid ah shakhsigii ugu dhawaa ee noloshii Adisababa ayaa sidan hadalkiisa ku bilaabay:”Kulliyadda ‘Shaybaadhka Caafimaadka'(Medical Laboratory)ayaannu bilaabnay hilaaddii15,10,2009-kii, iyo Jaamacadda Cenrtal ee Adisababa;waxaannu goonka qalinjabinta(Marada Qalinjabinta) xidhanay 8,9,2012-kii”.
Rabbi luxudka laydh qabow ha ugu geeyo’e marxuumku,markii uu soo gabgabeeyay waxbarashiisa waxay isguursadeen Khadra Shilin.
Bil kaddib aqalgalkoodii, xaaska marxuumku waxay u safartay dalalka Yurub oo ay hadda ku nooshahay.
Aqoonyahan/marxuum Fool Caynab Aamus, wuxuu ahaa nin dhalinyaro ah oo hoosta ka xariiqday mustaqbal u qorshaysnaa taasood adiguba garan garto macaankeeda iyo sida qof waliba u jecel yahay inuu dadkiisa iyo qoyskiisa la sii joogo, noloshana la qaybsado.
Waxaan se inna baajinayn mawtka.Waxaynaan dhaafi karin saacaddii rabbi innoogu talo galay inaynnu noolaano.
” Ma ahayn saaxiibkay oo kaliya ee wuxuu ahaa walaalkay;wuxuu ahaa qofka kaliya een nolosha wax u sheegto isaguna sidaas buu ahaa”Sidaas waxa yidhi Cumar Maxamed Axmed(Hawsi).
Cumar iyo Caynab, waxay ahaayeen mataanaha Hargaysa iyo Ceerigaabo;umay kala fogayn sida labadooda degmo ukala durugsanaayeen ee waxay ahaayeen isku fikir dhinac kasta iskaga sidkan.Walaalkeen Cabdirisaaq Caynab, maanta inna lama joogo adduunka,waynnu u ducaynaynaa in WEYNUHU jannooyinkiisa ugu deeqo.
Bal aynnu gabgabada, Cumar Hawsi oo ay dad iskugu dambeeyeen marxuumka  weydiinno sida  uu geeridiisa ku ogaaday.
Cumar Hawsi wuxuu yidhi:”Maalintii oo dhan waannu wada joognay sidaannu subaxnimadii isku raacnay,sidii caadada noo ahaydna waannu wada cashaynay.Annakoo miiska cashada fadhinna ayuu marxuumku igu yidhi ‘caawa Cumarow, laba nafar ma wada cuni karnee hal saxan oo casho ah aynnu wadaagno’ ayuu  yidhi Cabdirisaaq.Markaannu cashadii dhammaysanay oo ammintuna tahay 9:42 fiidnimo, ayaannu kala dhaqaaq hollanay ayuu igu yidhi:’Cumarow aroorta ha seexan ee soo kalah aynnu jaamacaddii kasoo qaadanno shahaadadii asalka ahayd, marka dambena aynnu safaaraddii dal-kugalkii(Visa) kasoo qaaddanne'”.İntaas wuxuu raaciyay Mr Hawsi:“Marxuumka wax xanuun ah oo xataa madax xanuun ha noqotee ma qabin ee wuxuu ba ahaa kalgacal iyo farxad miidhan; kolba wuxuu igu soo celcelinayay oo uu igu adkaynayay hawlaha berri aannu qaban doono ee geeridu baajisay.Markay saacaddu ahayd 11:45 ayuu isoo garaacay oo uu igu yidhi “waar seexo waa xilli dambe“;waxa iigu xigtay waa mayd ayuu hadalkiisii ku soo gabagabeeyay Cumar Hawsi”.
Bishan aynnu ku jirno dhammaadkeeda ayaa Cabdirisaaq Caynab, u qorshaysnayd inuu xaaskiisa ugu tago dalka Dhaanishka waxa se kasoo horumaray safarkii dhabta ahaa.
Dhammaanteen mayd socda ayaynnu nahay mar haddaynaan ogaynba xilliga aynnu aakhiro u haayimi doono.
Cabdixakiin ahaan waxaannu ahayn aniga iyo marxuumku ardaydii Jaamacadaha Adisababa wada baran jirtay,shakhsi aad u furfuran oo dadku jecel yihiin ayuu ahaa.
Kaftan iyo weji debecsan ayuu caan ku ahaa;sidaas baan ku bartay oo aannu muddo ugu wada noolayn Adis ababa.Waxaan kale oon aqaannay Maxamuud Axmed Cali oo marxuumka hoos uga yaraa oo isaguna Adis Jaamacadda ka baran jiray.Sida aan maqlay reer Caynab Aamus waa reer ballaadhan oo sanaag ku dhaqan.
 Khamiistii shalay ayaa si ballaadhan loogu aasay magaalada Adis ababa marxuumka.
Rabbiyow dhammaanteen samir iyo İimaan innaga sii,marxuumkana godka ku JANNEE.
Waxaan tacsi hawada u marinayaa xaaskii marxuumka Khadra Shilin,dhammaan Qoyska Reer Caynab Aamus iyo aqoonyahankii Adis ababa wax ku soo bartay qaarna hadda gudanaya waajibkooda oo aad uga ilmeeyay geeridan naxdinta leh.
F.G
Waxaan u mahadnaqayaa Aqoonyahan Maxamed Cismaan Nuux-dheere, oo Carri İngiriis ku nool iyo Cumar Maxamed Axmed(Hawsi), oo İtoobiya ku sugan.Labadan aqoonyahan waa kuwa aan uga marti noqday qoraalka inaan idin soo gaadhsiiyo.
Wa Billaahi Tawfiiq.

    
Qalinkii,Cabdixakiin M Maxamuud “Marayare” 
Facebook:Abdihakin Marayare
Marayare@live.com
Ankara,Turkey.