Is-barbardhiga xisbiyada Kulmiye,Ucid iyo Wadani

12
Qormadan waxa aynu ku eegi doonaa doodaha ay taageerayaasha xisbi waliba soo bandhigaan marka sharraxayaan Xisbigooda aniga oo  barbardhigi doona dhaliilaha dhinaca ka soo horjeedaana ka sheego.
 Taageerayaasha Xisbiga UCID waxa ay ku doodaan Hogaamiyaddoda Jamaal Cali Xuseen oo ah nin da,yar,Mutacallin ah wax weynna ka bedeli kara qaabka beelaha ah ay  ku soo shaqeynayeen dhammaaanba madaxdii u kala danbeysey J.Soomaaliland waddankana u horseedi doonaan dimuqraadiyad dhab ah oo la taaban karo.Halka qolyaha dhaliila Xisbiga UCID ay sheegaan in Jamaal Cali Xueen lagu siiyey  Murashaxnimada  kiro(sub-contract),guddoomiyahooda is bedbedelka badan ee Faysal Cali Waraabena waqtiguu doono shandada ku ridandoona xisbigaba.
Xisbiga Kulmiye Taageerayaashiisu waxa ay ku doodaan in uu hogaaminayo ruug caddaaga Mu: Axmed Maxamed Siilaanyo oo helay doorashadii ugu danbeysey 50%,Afartii sano ee uu waddanka hogaaminayeyna muujiyey isbedel horumarineed oo muuqda.Dadka dhaliila Xisbiga kulmiye iyana waxa ay ku doodaan in Mud Siilaanyi daaqadda ka tuurey xisbigiiba Xukkuumaddiisana soo geliyey wadaado iyo rag aan kaba tirsanaan jirin xisbiga isla markaana ay odeyga kala irdhoobeen saaxiibadiisii asalka ahaa sida ragga ku bahoobey madasha waa tashiga iyo saaxiibkiisii qaaliga ahaa waa Muusa Biixi Cabdiye
Xsibiga Wadani oo uu hogaamiyo Mug:Cabdiraxmaan Cirro waxa ay ku doodaan taageerayaashu in uu yahay nin laga nabad galey afkiisa iyo addinkiisaba,Nin muujiyey cududiisa taageero waqtigii doorashoonka degaanka kuna dhaqma siyaasad qabow oo aan xagxagasho laheyn,halka dadka dhaliilaa ay sheegaan in aannu Cirro haba yaratee ilaa hadda muujinin wax mucaaradnimo ku ah xukuumadda Axmed Siilaanyo kuna fadhiyo laba kursi iyo aan macquul aheyn in uu isku wada hayo
Haddii aan ra,yigeyga ku darsado taageerasha kala duwan waxaa ay ila tahey in ay wax ka jiraan doodahooda,Isbedbedalka siyaasadduna wax yar isu jiro, Siyaasigu tallabsan karo inta awooddisa ah ilaa imikana aaney wax badanba ku kala duweyneyn Axsaabta Soomaaliland Marka laga eego dhinaca Ideolajiga.
Ibrahim Diiriye London
ibrahimderia@yahoo.com