-Jaaliyada Somaliland Ee Ustareliya Oo Wasiirka Duulista Iyo Hawadda Ku Maamuustay Shahaaado Sharaf

Hargeysa (SM) Jaaliyadda Cariga Ustareliya ayaa Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawadda iyo Gaadiidka Cirka ku maamuustay shahaado sharaf, iyaga oo jaaliyaddu wasiirka u arkay masuul wax badan ka qabtay danaha shacabka daboolayna baahi ay tabayeen, munaasibad ka dhacday xafiiska wasiirka duulista hawdda Somaliland ayey jaaliyadu ku guddoonsiisay wasiirka shahaadadan.

image
Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Ustareliya Mr: Sharma’arke Yuusuf Nuur oo halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “aniga oo ka wakiila jaaliyadda Somaliland ee Ustareliya waxaan maanta halkan shahaado sharafeed ku gudoonsiinayaa Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawadda Mudane Maxmuud Xaashi Cabdi oo la yimi dadaal waxqabadna muujiyey aniga iyo guddoomiyaha xisbiga kulmiye ee Ustareliya Waxaanu Wasiirka iyo Masuuliyiinta kale ee wasaaradda uga mahad naqaynaa dadaalka waxqabad ee ay muujiyeen isla markaana aanu gudoonsiino shahaado sharaf aad baanaan ugu faraxsanahay waxa ay indhahaygu arkeen markaa waxan leeyahay sacaatul wasiir aad ayaanu ugu faraxsanahay dadaalka xad dhaafka ah ee aad wadaan adiga iyo wasaaradaaduba”

Intaa kadib waxaa halkaasi isna ka hadlay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Ustareliya Mr Xasan Axmed Maxamed oo yidhi “ waxaa maanta farxad noo ah in aanu la kulano Wasaaradda Duulista iyo Wasiir Maxamuud Xaashi oo runtii u aragno in uu waxbadan qabtay waxqabadkan wasiirka duulistu waa mid soo jiitay guud ahaan indhaha umada maantana waxaanu halkan u joognaa in aanu wasiirka taas ku bogaadino”

Wasiirka duulista iyo hawadda oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa u mahad celiyay safiirka Somaliland ee Ustareliya iyo gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee wadankaas isaga oo ugu mahadceliyey shahaadada ay ku maamuuseen waxaanu yidhi “ marka hore horta ilaahay ayaa mahad leh marlaabadka waxaan jecelahay in aan uga mahad celiyo safiirka Somaliland ee Ustareliya Sharma’arke Yuusuf Nuur iyo gudoomiyaha xisbiga kulmiye iyo masuuliyiinta xisbiga ee carigaasi iyo jaaliyada Somaliland ee Ustareliya waxaan jecelahay inaan ku hanbalyeeyo dadaalka iyo isku xidhka iyaga oo runtii meel fogjooga marka loo eego wadamada kale Yurub iyo Laytiin ameerika oo jaaliyadaheeno ku badanyihiin lagayaabaa in ay ka yaryihiin umajeedo waa dad yar lakiin marka kuwaa loo eego dadaalka, iskuduubinada iyo haruumarka ay dadkooda la doonayaan aad ayaan ugu hanbalyeeynayaa guud ahaaba jaaliyad ahaan waxanaan isleeyahay runtii meel aynu u baahnayan in aynu xooga saarno wadanka Ustareeliya weeye wadanka Ustareliya waa wadan weyan oo qani ah wuxu ka midyahay wadamada maanta dunida ugu dhaqaalaha badan waa wadan dihan waa meel aynu u baahnayn waa dad aynaan is aqoon oo hore xidhiidh inoo dhex marin waxa aynuna u baahnayan in aynu la xidhiidhno meeshaas oo ay fariinteenu gaadho aynu is barano waayo qof ku yaqaanuunbaa waxkuu qaban kara .”

Wasiir Xaashi ayaa sidooo kale intaas ku daray “ dad uunbaa inooga yimaada iyo hay’adahan macaawimooyinka bixiya xaqiiqadii maanta Somaliland ahaan waynu dhaafnay macaawimooyinka yaryar iyo daawooyinkii xumad jabinta aynu u baahnayan waxa aynu nahay wadan qaangaadh ah oo u bahaan mashaariic waaweyan dunida ka helo xukuumadan maanta talLada haysa ee kulmiye waxaa saldhig udub dhexaad u ah in ay isku halayso qorsheheeda danteeda dadkeeda isku tashato oo ay haruu mar ku samayso kadib markaas ayey dunidu ku baran kartaa oo aad odhan kartaa waxnasiiya siyaasadaasi waxa ay ka turjumaysaa qofku marka uu arko in aad tahay qof dantiisa u xusul duuban oo ku hamiyaya haruu markiisa waa lagu qiimaynayaa laakin hadii aad gacmaha hoos dhigato dad qaylinaaya waxa ay ku soo ururaysaa maahmaahdii la odhan jiray dad wax dawarsadaa ma laha ikhtiyaar runtii shaki ma laha in aynu nahay dal fiqiir ah oo aan la aqoosan lakiin hamigaaga iyo hugaaguba wuu kula marti tagaa.” Ayuu yidhi Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi.