Jawaab Celintii“Maxaynu Askar u noqon waynay” Mahad Jamac Koronto

“Maxaynu Askar u noqon waynay” Mahad Jamac Koronto

 unnamed

Wuxuu ka soo kacaa gurigiisa isaga oo wata rikoor iyo kaamirad sawir qaadda, dhexda ayuu soo dhuuqsadaa, wuxuuna jeebka horay u soo gashtaa Kaar uu ku qoran yahay website qolo qurba joog ahi ay wax isaga qoraan.

 

Markii la isugu yimaado goobaha lagu kulmo waa ninka ugu doodda badan, oo haddii la galo siyaasad, cilmi saxafadeed, dhacdo horay u dhacday iyo xanba waa qofka ugu codka dheer uguna doodda badan, hadalkiisa haddaadan dhab u dhagaysanna waxaad is leedahay ugu yaraan ninkani waa nin khabiir ah oo muddo soo shaqaynayay, kaaga darane waxa intaas u dheer caayda iyo wax kasheegga wariyayaasha idaacadaha ka shaqeeya oo uu ku sheegayo aqoon darro.

 

Anigu waan aqaannaa ninkan aan ka sheekaynayo oo illaa yaraantiisii baan aqaannay, aqoon wuxuu ka gaaray heer dugsi dhexe oo markii uu marayay fasalka afraad ayuu ka haray oo wuxuu raacay dhalinyaro markaas u tahriibaysay Nairobi, waliba isaga cidna uma dagana halkaas, wuxuu ka soo noqday laba sano ka dib, dabadeed waxaa loo dhiibay BAS magaalada ka dhex shaqeeya ay reerkiisu ( Xaafadiisu) lahaayeen, wuu baabi`iyay oo hadda baska waxaan ku sii hor maraa guriga adeerkiis oo soo koriyay hortiisa.

 

Hadda wuxuu fadhiyaa meheradda aan shaaha ka cabbayo, wuxuu iiga addan yahay dhanka midigta, oo wuxuu dhexda uga jiraa dhalinyaro qaar ka waawayn yihin muuqaal ahaan qaarna ka yaryar yihin, anigu waxaan ku mashquulsanahay IPAD aan sito, laakiin dhagta waxaan kala socdaa dooddooda iyo hadba waxa ay ka hadlayaan.

 

Dooddii waxay gaartay meel adag oo mid ka mid ah raggii uu hadalka ku jabsaday baa waydiiyay “War adiga sidaas dadka wax uga sheegaya goormaad wariye noqotay”? Markaasay bahashii sii dhabaqday anna waxaan ka helay inaan sii dhagaysto oo su`aashaasaan aad u danaynayan

 

Maalin kasta waxaan saxaafadda ku soo daraa mid cusub oo wariye ah, waxaan aaminsanahay inaan ahay warshad wariyayaasha soo saarta, markaasaad na leedahay goormad wariye noqotay, adeer orodoo ardaydayda warayso iyagaa kaaga jawaabayee”

 

Kii kale wuu iska aamusay, oo ma ahayn nin hadal badan, xoogaa hadday hadalkii wateen waxaan kala hadlay hoosta oo waxaan ku iri ii kaalay.

 

Sheeko yara markay noo sooctay iyo is xog waraysi ayaan ku iri “maxaad tiri maalin kasta wariyayaal baan ku soo daraa aa? Adaaba war hayee halkaas iiga wad sheekada sideed ugu soo dartaa?

 

Maalin kasta oo la I yiraahdo wariyayaal noo cassun waxaan ku soo dhex daraa mid ka mid ah ciyaalka xaafadda ee aan saaxiibada nahay, oo waxaan ka dhigaa inuu ka socdo website yadaas dibadda laga leeyahay, dee macne kalena uma lihiye waxaan is leeyahay shuruurkaas (Lacagta wariyayashu qaattaan markay wax duubaan) wixii loo qoondeeyo wax yara ka sii oo adigu qaado inta kale.

 

Macnaha wararka markii la duubo ee ay xafladdu dhamaato anigaa wariyayasha u soo qaada lacagta, waxayna kooxda lacagta bixinaysaa iga rabaan qof kasta iyo xarunta uu ka socdo inaan u xaadiriyo, dee si aan lacagta ula qaybsado ayaan boosaskas iibsadaa, dee ka dibna sidaasuu beesha caalamka ku noqdaa.

 

“Beesha caalamka wuxuu khadaroow ula jeedaa, dhalinyaro aan meelna u shaqayn, wariyayaalna ahayn kaliya un iska wata rikoorro iyo kaamiradaha sawirka, waxayna taagan yihiin shir jaraa`id kasta ama meel kasta oo xaflad lagu qabanayo”

 

Ogoow isagu ma rabo inuu wariye sii ahaado oo hadda wuu ka xiiso dhacay, wuxuu igu yiri nin yahaw waxaan rabaa inaan shaqooyin kale iska raadsado bahashii hadda eber iyo lacag la`aan bay noqotay.

 

Waa gar marka inaynu is waydiino su`aasha ah “ Maxaynu askar u noqon waynay” Oo macnaheedu yahay maxaynaan shaqadii askarta u qaban, laakiin waxaan aaminsanahay wariyanimadu maahan shaar la gashto, wax inta la go`aansado la iska sheegto iyo shaqo qof kastaa iska galo.

 

Aqoontayda shaqadan haddii sida ay tahay loo macneeyo waxay la mid tahay ama ka adag tahay Dhakhtarnimada iyo Injineer nimada.

 

Doodduna inoo furan.

 

Mahad Jama Koronto

abbas688@hotmail.com