Joornaal aan maalin dhawayto aan akhriyey ayaa waxa ku qornaa war sidan u dhigan .

Joornaal aan maalin dhawayto aan akhriyey ayaa waxa ku qornaa war sidan u dhigan .

calimaxamedbiixi

Arday dalka ingiriiska wax ka barta oo dalka sucuudi u dhashay , ayaa dalkiisii waxa uu kula soo guryo noqday GAADHI (baabuur yar) oo isagu iswadaaya (is dareewelinaaya ) , gawaadhida noocan oo kale ahna muddo 5 sano gudahooda ayaa suuqa dhanacsiga laga heli doonaa .
Hadaba waxa dhacday maalin maalmaha ka mid al , isaga oo gaadhigiisii wata  oo ay la socdaan xaaskiisii oo uu kursiga danbe ku fadhiyo , labada   nin oo kalena ay la socdaan gaadhiga .
Ayaa waxa dhacday in uu gaadhi bilays ahi soo daba galay , laydhkii casaana u ritay , codbaahiyanaha kala hadlay oo ku yidhi : dhinac isu taag oo gaadhiga jooji .
Ninkii dhalinyarada ahaa intuu yaabay oo iswaydiiyey : tolow maxaa dhacay ? gaadhigeyga ma dab baa qabsaday ?
Waxa gaadhigii bilayska ka soo degey 2 ba nin oo qaylinaaya oo cadhaysan , wuxuu mid ka mid ahi ku yidhi ninkii kursiga hore fa dhiyey : miyaanad isla yaabayn ? miyaanay ceeb kugu ahayn ? miyaanad waxba isku falayn ? 
( hadda ogow oo dumarka dalka sucuudiga gawaadhida looma ogolayn inay gawaadhida -baabuurta – ka xeeyaan ) 
mid kalena ogow oo ( gawaadhida dalka ingiriiska lagu ka xaystaa shokaantu dhinaca midigta ayey kaga taalaaye )
Waar maxaad ugu ogolaatay naagtaadu inay gaadhiga kugu kaxayso ? adna aad iska dhinac fadhiisato ?
Ninkii kursiga hore fadhiyey waxa uu ugu jawaabay ninkii askariga ahaa : 
Inaanay gabadhan agfadhidaa gaadhiga wadin , gaadhiganna isagu  lahayn , isaguna aanu gaadhigan wadin , laakiin ninka isaga kursiga ka danbeeyaa uu wado , iskana leeyahay .
Askarigii 2 aad ayaa yidhi : waar maxaad ku hadlaysaa miyaad waalan tahay ? 
Markaasaa inta uu hadalkii boobay ninkii dhalinyarada ahaa ee kursiga danbe fadhiyey yidhi : gaadhigan dalka ingiriiska ayaan kala imi oo system ka ingiriiska ayuu ku shaqeey aa , midda kale waxa weeye gaadhigani uma baahna iun ay cidi kaxayso ama dareewaliso ee isagaa iswadaaya , umana baahna inaad kursiga hore aad fadhiisato ama ka danbe .
Markaasaa intay yara qaboobeen nimankii askarta ahaa oo yara dhoola caddeeyeen ayaey raali galiyeen  iyagoon si fiicanna wax u fahmin , waxaanay kula taliyeen ( inay u bedelaan gaadhigan aan waxba laga garanayn mid wax laga fahmi karo ) oo gawaadhida dadka caadiga ah u eg lana mid ah .
Hadaba SU’ AASHU WAXA WEEYE : XISBIGA KULMIE YAA HOGGAAMIYA ?
MAXAA XISBIGA KULMIYE KHILAAFAADKA UGU WACAN ?
MAXAA KHILAAFAADKA SIYAASADEED UGA DAN AH ? IYO ISQABSIGA JOOGTADA AH ?
MAXAY DALKA IYO DADKA ISUGULA DUL DHACAAN ?
MA MALLAYN KARTAA ? MASE QIYAASI KARTAA ? MISE GARAN KARTAA ? KHILAAFKA SIYAASADEED EE XISBIGA KULMIYE DHEXDIISA KA DHALAN DOONA ? 
( TOLOW GOLAHA DHEXE EEKULMIYE INTAANU DOORAN CIDDA UGA QAYB GELI DOONTA MURASHAXA MADAXWAYNAHA IYO murashaxa madaxwayne ku xigeenka , 
waxaa dhici doonta in murashaxa madaxwaynaha uu odhan doono : 
WAXAAN BEDELAYAA MURASHAXII JAGADA MADAXWAYNE KU XIGEENKA OO WAXAN DOONAYAA INAAN (HEBEL )(HEESAAYE) KU BEDELO .
HALKAAS AYAA KHILAAF SUYAASADEED IYO SAWAXA KA BILAABMI DOONAA .
MUDDONA UU SOCON DOONAA SIDII SII  LOOGA BARTAY .
HADHAWNA WAAD GARANAYSAA CIDDA SOO DHEX GELI DOONTA , EE MAGACA LOOGU SAMAYNAAYO INAY WAX QABAN KARAAN IYO INAY DALKA BADBAADIN KARAANBA  IYAGA OO LAFTOODU WAX SHARCIYAD AH KU FA DHIYIN .
BAL ADNA MAXAY KLULA TAHAY MUXUU NOQONAYAA KHILAAFKA SOO SOCDA EE KULMIYE DHEXDIISA (……………………… )AMA UU DALKA KA ABUURI DOONAA ???????????????????  ??????????????????????????????????????????????????????????????????????????????? 
ALLAW SAHAL UMUURAHA .
 
 CALI MAXAMED BIIXIÂ