Kana Siib, Kana Saar: Wasiir XIRSI Oo Shacabka Ku Hambalyeeyay 26-ka June

image

 

 

 

 

 

 

(SM-Hargeysa) – Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa shacabka reer Somaliland ku hambalyeeyay xuska 54 guurada Madax-banaanida Somaliland.

Qoraal kooban oo uu wasiirku Caawa ku baahiyey Guusha.com, ayuu ku yidhi “Kana Siib, Kana Saar Guud ahaan Shacabka reer Somaliland waxaan ugu Hambalyeynayaa Munaasibadda 26-ka June, Maanta (shalay) oo kale 54 sano ka hor waa maalintii calankii Xoriyadda laga taagay ciidda Somaliland

Waxay ahayd maalin farxad wayn u ahayd guud ahaan qaarada Afrika oo Wakhtigaas “1960″-kii ku jirtay dhaqdhaqaqii Gobonimo doonka Africa

Nasiib Wanaag Somaliland waxay ka mid noqotay dalalkii nasiibka u helay in ay xoriyadoodii ka helaan Maxmiyadii Ingriikska “British Protectorate”
Shacabka reer Somaliland meel aad joogtaanba Waxaan idiin rajaynayaa cibaado, Cafimaad iyo Calankeena oo hela Ictiraaf Caalamiya.

Salaanmedia/Hargaysa