Kooxaha Kubadda Cagta Ee Sool, Sanaag-Bari Iyo Buuhoodle Oo Ka Qayb-galay Tartanka Gobollada Puntland

image (SM-Garoowe) – Afar kooxood oo ka socda gobollada Somaliland ee Buuhoodle, Sool iyo deegaanada Badhan iyo Dhahar, ayaa ka qayb-galaya tartanka ciyaaraha ee gobollada Maamul gobolleedka Puntland. Tartankan, oo ay ka qayb-galayaan kooxaha kubadda cagta ee gobollada Maamulka Puntlandisla-markaana maanta ka furmay garoonka kubadda cagta Mire Awaare ee Magaalada Garoowe, ayaa waxa ka qayb-galaya kooxo kubadda cagta ah oo ka socda Somaliland.

Kooxahan ayaa waxa ka mid ah koox ka socota gobolka Sool, taasi oo hore u sheegtay in aanay ka qayb-galay, hasa-yeeshee lagu qanciyey inay ka qayb-galaan, laba kooxood oo ka socda Badhan iyo Dhahar oo ka mid ah gobolka Sanaag iyo koox ka socota Magaalada Buuhoodle iyo kooxda Badhan oo hore tartanka ciyaaraha Somaliland ugaga qayb-gashay Hargeysa.

Kooxahanoo Magaca Magaalooyinkooda kaga qayb-galaya ayaa waxa ka mid ah kooxda Sool, hore uga qayb-gashay tartankii gobollada Somaliland ee lagu qabtay Magaalada Hargeysa.

Ilaa hadda wasaaradda Ciyaaraha Somaliland kamay hadal arrintan, mar aanu isku daynay inaanu la xidhiidhno Wasiirka ciyaarahana noomay suurto-galin inaanu hello .

Salaanmedia/Burco