Kooxda ISIS oo dhoolotus Milatari kusoo bandhigtay Magaalada Moosil ee Dalka Ciraaq(Daawo Sawirada)

Xoogaga Islaamiyiinta Dalka Ciraaq ee ISIS ayaa soo bandhigay dhoolo tus milatari oo aad u balaadhan kadib markii ay gacanta ku dhigeen Magaalooyin iyo deegaano badan oo katirsan Dalka Ciraaq ay horey gacanta ugu heysay Dowlada Dalkaasi.

Kumanaan dagaalyahan oo katirsan Kooxda ISIS ayaa dhoolo tus waxa ay kusoo bandhigeen wadooyinka Magaalada Moosil iyaga oo wata dabaabaadka dagaalka ay kala wareegeen Ciidamada Ciraaq iyo gaadiid dagaal oo aad u badan.

Kooxda Islaamiyiinta Suniga ee ISIS ayaa u muuqda kuwa awoodooda ay sii kobceyso iyagoona maalmihii lasoo dhaafay la wareegay Magaalooyin Muhiim ah horey ugu jiray gacanta Dowlada uu Hogaamiyo Nuur Maaliki .

Salaanmedia/Hargaysa