“Kormeer Abaabul iyo Dardar Gelin Iskugu jira oo aan Maanta ku Tegnay Saylac” Wasiirka Madaxtooyadda

image

“Dawlada Turkey-gu waxay horay u balan qaaday dhismaha Jidka Isku Xidha Jabouti – Saylac”

“Dawladeena Somaliland-na waxaan Abaabul uugu jirnaa hirgelinta JIdka isku Xidha Saylac – Boorama”

Hargeysa (SM)- Wasiirka madaxtooyadda iyo weftigii uu hoggaaminayay ee socdaalka shaqo ku joogay dalka Jabuuti ayaa maanta socdaal lugta ah ku tagay magaaladda Saylac ee xarunta gobolka Salel.

Wasiirka Madaxtooyaddu waxa uu sidaasi ku sheegay qoraal kooban oo uu ku daabacay barta uu ku leeyahay Face-book-ga, waxaanu yidhi “Waxay ahayd maanta abaarro 10:30 Subaxnimo kadib markaan socdaal dhulka ah kaga soo baxnay dalka Jabouti annagoo u soo jeedna Caasimada Gobolka Selel ee Saylac. Ugu horayn waxaan soo gaadhnay magaalada Lawyacado oo ah magaalo saaran xadka aan la leenahay dalka aynu jaarka nahay ee Jabuuti, Waxaan indho-indhayn iyo kormeer ku soo marnay xafiisyada dawladeena Somaliland ee ka hawl gala degmada Lawyacado oo ay mid yihiin Xafiiska laanta Socdaalka “Immigration Office”, Saldhiga Degmada iyo guud ahaan xarumaha dawlada.”
“Kadib waxaan halkaas ka sii wadnay safarkii aanu ugu jirnay magaalada Saylac ee xarunta Gobolka Salel, ka hor intii aanu gaadhin degmada Saylac waxaanu sii marnay tuulada caanka ku ah samaynta iyo soo saarka Milixda ee “Toqoshi. Toqoshi waa goob ku caan ah soo saarka iyo dhoofinta Milixda isla markaana Alle ku manaystay il dhaqaale oo u baahan horumarin iyo ka faa’idaysi , Socdaal Saacado qaatay kadib waxaanu gaadhnay Magaalo Xeebeedka taariikhda dheer ee Saylac,”ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyaddu.

 
Wasiir Xirsi oo ka hadlayay qodobo ay isku afgarteen maamulka laamaha dawladda Gobolka waxa uu yidhi “Wakhtigii aanu halkaas ku sugnayn ayaan kormeer iyo dardar gelin maamul ku samaynay xarumaha kala duwan ee dawlada isla markaana kulamo la yeelanay masuuliyiinta heer Gobol iyo heer degmo dhammaan, waxaanu isla meel dhignay, kor u qaadida adeega bulshada, adkaynta ammaanka iyo ka faa’idaysiga khayraadka uu ka mid yahay Kalluunku. Kadib waxaan maamulka iyo shacabka kala hadalnay in loo baahan yahay in muruq iyo maalba la Iskugu geeyo sidii loo hirgelin lahaa jidka isku xidha Degmada Saylac ee Xarunta Gobolka Salel iyo Degmada Boorama ee Caasimada Gobolka Awdal.”

“Waxaa hubaal ah khayraad walba oo aan u baahan nahay in aan ka faa’iidaysano in uu u baahan yahay jid la mariyo isla markaana mar-walba muftaaxa horumarku yahay Waddo Sidoo kale waxaan abaabul iyo gogol xaadh ku soo samaynay jid aan balan qaadkiisa ka haysano dawlada Turkey-ga oo isku xidhi doonaa Saylac iyo Dawlada aan jaarka nahay ee Jabuuti.”ayuu intaas raaciyay.

Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu sheegay inuu ku diirsaday in dadweynaha gobolka Salel ay u diyaar yihiin inay kaalin wax ku ool ah ka qaataan horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha gobolka iyo dalkaba, isagoo arrintaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Safarkan aan maanta ku tegnay Degmada Saylac ayaa noogu soo dhamaaday rajo fiican iyo abaabul xoogan . Guud ahaan Maamulka iyo shacabka ku dhaqan degmada Saylac ayaa si hufan u balan qaaday in ay horumarka dalka ka socda qaybtooda ka qaadan doonaan isla markaana abaabul xoogan ka geli doonaan sidii ay u hirgalin lahaayeen jidka isku xidha Saylac iyo Boorame.”

Salaanmedia/Hargaysa