KULMIYE: SOO AFJARIDA MASHRUUCII XIISAHA,XURGUFTA IYO XAMAASADA BADNAA!

Asalaamu Calaykum

Guud ahaan Shacbiweynaha reer Somaliland iyo Saaxiibada ay Somaliland ku leedahay duniduba waxa ay maalmihii la soo dhaafay u Dabaal-degeyeen una damaashaadayneen in si Rasmi ah loo soo afjaro loona soo gabogabeeyo Khilaafkii madhalayska ahaa ee Ragaadiyay Xisbiga Qaran ee KUlmiye oo soo jiitamayay muddo ku siman laba sanadood iyo badh.

Hal mar ayaa la isla oogsaday si weyna loogu riyaaqay markii uu warbaahinta ka soo muuqday Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muj. Muuse Biixi Cabdi isaga oo sheegaya in uu ka hadhay damaciisii ku aadanaa inuu u tartamo murashax Madaxweyne oo uu u noqdo Xisbiga KULMIYE.

Kaysar Cabdilaahi

“Ninka la reebay ee laalaabtay waa aniga, ninka murashaxa loo daayayna waa Siilaanyo, Qaranka ayaana u baahan in cid laga adkaado” ayuu yidhi Gudoomiye Biixi oo aan farxad badani ka muuqan wajigiisa, hase yeeshee ku qancay in go’aankaas qaadashadii uu ahaa dariiqa kaliya ee u furnaa marka caqliga saliimka ah laga shaqaysiiyo.

 

Sida laga warqabo waxa ay ahayd maalin Arbaco ah 4tii Bishii August ee sanadkii 2010 Markii uu Madaxweyne Siilaanyo si rasmi ah Gudoomiyanimada KULMIYE ugu wareejiyay Muuse Biixi isaga fulinaya taladii Xisbiga ee ahayd in Madaxweynahu hadii uu guulaysto uu gudoomiyanimada xisbiga wareejiyo, waxaana Madaxweyne Siilaanyo oo 27kii bisha July 2010 Xilka loo dhaariyay uu isla bishii ku xigtayba uu wareejiyay Gudoomiyanimadii Xisbigii uu Fikir iyo Ficil ahaanba uu isagu aasaasay, ruyn ahaan may ahayn talaabo fudud oo ay Madax badan oo Afrikaan ahi yeelli lahayd, laakiin Madaxweyne Siilaanyo si cad ayuu saaxiibkii Muuse Biixi ugu wareejiyay Gudoomiyinimada Xisbiga Kulmiye.

Run ahaan hawlaha ugu balaadhan ee horyaalay Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi waxa ugu Mihiimsanaa qabashada Shirweynihii KULMIYE iyo dib u habaynta xeerarkii Xisbiga iyo waliba Xulashada Xubnihii Golaha dhexe ee Xisbigaas si markaasna si rasmi ah loo shaaciyo Murashaxa Xisbiga ee ku tartamaya Doorshada Madaxnimo ee Dalka u qorshaysan sanadka 2015.

Shakiga, Muranka, Khilaafka iyo kala fogaanta ka dhex qaraxday Kulmiye ayaa ahayd mid mar kale si weyn usoo shaac baxday waxaana marar tiro badan dibu dhacay inuu qabsoomo Shirweynihii Xisbigu, waxaana taasi ay niyad jab aad u weyn ku riday taageerayaashii Xisbiga iyo guud ahaan dadweynaha reer Somaliland.

Si loo badbaadiyo Xisbiga isla markaasna loo qabto Shirweynihii Xisbiga ayaa Madaxweyne Siilaanyo waxa uu qaatay Go’aan dhaxalgal noqday oo uu ku abuuray Gudi Turxaan bixineed oo soo afjarta khilaafkii Kulmiye dhex yaallay oo markaas dhibta ugu weyn ee taagnayd ay ahayd cida noqonaysa Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE, run ahaan waxaa xiligaas si cad u bayaamiyay oo looga warqabay inay danaynayeen qabashada Xilkaas Gudoomiyanimada KULMIYE xubno tiro badan, kuwaas oo aynu ka xusi karno Wasiirka Maaliyada Mudane Cabdi Casiis Samaale, waxaana arrintaasi ay dhimbiil dab ah ku ahayd Gudoomiye Muuse Biixi.

Si loo Ilaaiyo Midnimadii Xisbiga loona yareeyo Khilaafka ayaa Gudigii Madaxweyne Siilaanyo uu magacaabay ee Turxaan bixintu ay soo saareen Tobon Qodob 24kii Bishii February 2014, qodobadaas oo ka ugu muhiimsani uu ahaa in aan Muuse Biixi lagula tartamin Gudoomiyanimada Xisbiga waxaanay gudigu sheegeen in dhammaan xubnaha hogaanka oo kala ah gudoomiyaha, afartiisa kuxigeen iyo xogahaya guud sidooda loo daayo oo aan cidi kula tartamin isla markaana shirweynaha dib loogu soo doorto si loo mariyo sharciyada Dad badan oo damac ka hayay xilkaas Gudoomiyanimo ayaa ka hadhay si loo ilaaiyo Midnimada Xisbiga, si fudud ayaana Shirweynihii u ansixiyay soo jeedintaas.

Waxaase dhibaato ay soo korodhay oo Murankii uu hadana dib u istaadhmay markii uu Gudoomiye Muuse Biixi si cad isula soo taagay in uu doonayo in uu Murashaxa Madaxweynanimo ee Xisbiga uu noqdo, yaab iyo amakaag ayay cid walba ku noqotay in Madaxweyne Xisbigiisa Guul u keenay oo xaq u leh inuu Mar labaad is sharaxo loo yidhaahdo Murashaxnimada Ayaan kula tartamayaa!

Siigada ayaa kor u duushay, waana la ogaa wixii dhacay, waxa ay arrini gaadhay halkii u xumayd, waxaana arrintii loo galiyay shaadh qabiil, waxaaba mucjiso noqotay oo cid walba argagax iyo niyad xumo galisay markii habeen iyo maalinba Cay iyo Canabaarayn Qabiilaysan warbaahinta lala hor yimi, run ahaan waxay noqoto dhacdo dhiillo lahayd oo taariikhda gashay.

Siday doonto ha noqotee waxa sidii Somaliland caadada u ahayd ay arrini ku soo gabogabowday in Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo uu yahay Murashaxa Xisbiga ee KULMIYE ee u taagan Doorashada Madaxnimo ee soo socota, Muuse Biixina uu yahay Gudoomiyaha Xisbigaas oo ay waajib ku tahay inuu is barbar taago oo uu taageero una ololeeyo garab iyo gaashaana siiyo Madaxweyne Siilaanyo marka la gaadho xiliga doorshada sidii caadada ahayd.

Waxaan Shacbiga reer Somaliland ee Gudo iyo Debedba jooga usoo jeedinayaa in aanay wakhtigooda ku lumin arrimahaas la xallliyay, ee looga baahan yahay in ay is cafiyaan oo gacmaha ay is qabsadaan una soo jeestaan ilaalinta Nabadgelyada iyo Horumarinta Qarankeena

Kooxaha wali la soo taagan muxuu Muuse Biixi uga hadhay Murashaxnimadii uu rabayna, waxaa la gudboon inay maanka ku hayaan oo ay dib u xasuustaan in Madaxweyne Siilaanyo uu ahaa masuulkii ku qancay go’aankii qadhaadhaa ee bishii April sanadkii 2003 loogu sheegay in doorashadii lagaga helay Sideetan 80 Cod oo kaliya, taasoo uu aqbalay kuna qancay, iyada oo ay rag badan ku adkaan lahayd inay go’aankaas Madaxweyne Siilaanyo uu waagaas aqbalay inay aqbalaan.

Somaliland ha Guulaysato

Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed

London/Uk

Hayaannews.com/Office

London/UK

Email: janaale94@gmail.com