Laanta Finland Ee Xisbiga Waddani Oo Dooratay Gudoomiye Ku Xigeen

 Laanta Finland Ee Xisbiga Waddani Oo Dooratay Gudoomiye Ku Xigeen

 

 Waddani logo

Gudida Fulinta Laanta Finland Iyo Gudida Guurtida ee Laanta Oo Shir wada jir ah Xalay Ku yeeshay Magaalada Vantaa Ee Dalka Finland, ayaa waxaa looga wada hadlayey Horu-marka Laantu ay samaysay mudooyinki udanbeeyey iyo guud ahaan sida shaqada Laantu ay usocoto.

Sidii caadada ahayd kulanka ayaa waxaa lagu furay aayadaha Qur,aanka kariimka,

 Kulankan oo saacado badan qaatay ayaa waxaa lagu gorfeeyey in laantu ay horu.-mar balaadhan samaysay mudadi ay jirtay marka loo eego laamaha lamidka ah ee ku yaala wadamada Dibedda.

Kulankan oo ay goob joog ka ahaayeen dhamaan Xubnaha golaha Fulinta iyo Guurtida ee laanta ayaa waxaa la-isla gartay in laantu sido kale ay ubaahantahay dardargalin cusub oo dheeraad ah, maadaama ay soo dhawyihiin doorashooyinki Madaxtooyada Iyo Golaha Wakiilada ee dalku, loona baahanyahay dadaal intii hore ka badan in lasameeyo, si-xisbigu uu ugu guulaysto hogaanka sarre ee Dalka Somaliland.

Dhanka kale labada gudi ee laantu ayaa dood dheer kadib waxaa la isla gartay inay lagama maarmaan tahay in la buuxiyo Gudoomiye ku xigeenka Laanta Finland oo banaana in mudo ah, fikrado badan kadibna waxaa jagadaas loo caleemo saaray oo gudiyadi oo dhami isku raaceen inuu buuxiyo Md Axmed C/lahi Khaliif.

Md Axmed oo hadalo kooban goobta ka jeediyey ayaa aqbalay xilka loo doortay, kana codsaday dhamaan gudiyada kala duwan ee laanta inay si-wanaagsan ula shaqeeyaan, isna uu diyaaar uyahay inuu xilkiisa uguto sida ugu wanaagsan hadi alle idmo.

 

Maxamed Xasan Mataan

Helsinki-Finland