Laba kacleynta Kulmiye By Ibrahim Deria

image

Qoraalka maanta waxaan ku eegi doonaa wejiga labaad ee u gudbidoono Xisbiga kulmiye.Waxa jira halkudhig ah siyaasadddu saaxiib joogto ma leh cadow jaagto ahna maleh.Taas oo macnaheedu yahey waxey leedahay maslaxad joogto ah.

Meel dheerba ha ka doonine waxaad dib u milicsataa saaxiibo badan oo uu lahaa Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo ay imika fiintu dhexmiraneyso Sida Muj: Muuse Biixi iyo Cabdiraxman Cabdilqaadir iyo rag ay siyaasdda iskaga soo horjeedeen Sida Wasiir waran Cadde iyo Gud:Guurtida Saleebaan Nuur oo imika aad ay isugu dhow yihiin laguna xasuusto sidii uu uga ololeeyey doorashadii 2003 in Xisbiga Kulmiye ku guuldareysto tartankii doorashada.

Laba Kaclaynta kulmiye ee aan maqalaakeyga cinawaanka uga dhigey waxaan saadaalinayaa in ay ka duwanaandoonto wejigii hore ee uu ku guuleystey Xisbigu doorashadii 2010 oo aheyd taageeradii la yaabka laheyd ee uu ka helay gobolada bariga Togdheer iyo galbeedka Maroodi jeex.Xitaa haddii ay heshiis buuxa gaadhaan labada garab ee ku loolamaya xisbiga gudihiisa.Waxaaney u muuqataa in ay xukuumadda Axmed Siilaanyo diiradda saareyso arrintaa bedelkeeda sidii ay cod intuu doonaba ha le,ekaadee uga heli laheyd guud ahaan gobollada ay ka koobantahay jammuhuriyadda Soomaaliland siiba gobolada Borama,Gobolka Howd,Maroodi jeex iyo Gobolka Sanaag.Waxaana doorkan la saadaalinayaa in Kulmiye ka duwanaandoono kii 2010. Doorashaduna noqon doonto mid aad uga xamaasad badan tii aynu soo dhaafney,codoadaka murashaxiintuna ay aad isugu dhowaan karaan.Waxaanan aamisanehahay in saddexda xisbiba ay ka go,antahey in doorasho dhacdo sannadka 2015 haddii alla idmo
Ibrahim Deria
South east London