Lacag Dhan $ 19,090 Dollar Oo Jaaliyadda Dalka Australia Ugu Deeqday Somaliland National Library

image

(SM) 19 June 2014 Wajigii Koowaad ee Lacag Ururinta Bilawga Somaliland National Library Ayaa soo dhamaaday.
Hawshan oo ay Australia ka wadeen Guddi isku xilqaantay ka qayb qaadasha Maktabadan iyagoo ka Dareen Qaadanayay Mihiimada uu u leeyahay Library ganu Ummadda Mustaqbal keeda If iyo Aakhiro ba.

image

 

Xubanahan oo kala jooga Dhamaan Gobolada Australia waxaa u suuro gashay inay soo Ururiyaan Qadar lacageed oo dhan, AUD$19,090.

Walaw Aan la gaadhin Target kii Ama Hiigsigii ay rabeen oo dhamaaa 25,000.

 

Abdiqani Yuusuf Cirro oo ku hadlaya Magaca Gudidii Hawshan waday Ayaa u Mahad naqay Dhamaan Dadkii kala Qayb QaatayHawshan Lacag Ururinta iyo Intii la Baxday Saddaqadaba Waxaanu Illaahay uga baryay in uu ka Abaal mariyo mid ka Khayr badanna Ugu Bedelo.

Waxa uu kale oo u Mahad naqay Gudida Wada Hawsha Dhisida Library ga gaar ahaan Gudoomiye Axmed Daahir oo mar walba Xidhiidh iyo Guubaabo Joogta ah la Garab Taagnaa .

 

Geesta kale waxay ugu Baaqeen Dhamaan Jaaliyadaha Daafaha Dunida kala jooga inay Hawshan Xil Gaara iska Saaraan Maadaamooy Muhiimad Gaara u leedahay Shacabka

.Salaanmedia/Hargaysa