LIBAAX IYO DHUXULLE (abaal laawe waa adoo kale)

calimaxamedbiixi

Xilli hore ayaa waxaa jiri jirey nin dhuxulaysato ah , subaxnimada hore ayuu gurigiisa ka baxaa , xaggaa iyo ayda ayuu xaabo ka soo guraa , wuu soo dhuxuleeyaa , kabacdina magaalada ayuu u soo iib geeyaa .

Hadaba waxa dhacday maalin maalmaha ka mid ayaa jidka waxa ku qabsaday roob wayn oo mahiigaan ah , geed ayuu isyidhi ka jirso, geedka waxa hoos hurday LIBAAX .
(waxa la odhan jirey duurjoogtu berigii hore way hadli jireen ) hadaba libaaxii ayaa ninkii dhuxulaysatada ahaa la hadlay oo ku yidhi : Ninyahaw maanta waad ku shaqo la ‘ dahay roobkan da ‘ aaya awgii , waan ogahay inaad tahay nin faqiir ah oo danyar ah inkastoo aad tahay nin dadaala oo shaqaysta oo xooggiisa maala , hadaba waxaan doonayaa inaynu saaxiibno oo aan ku caawiyo .
Ninkii dhuxulaysatada ahaa wuu ogolaaday inay saaxiib noqdaan oo is aaminaan oo iscaawiyaan .
Libaaxii ninkii ayuu ka xeeyey meel beer geeyey , wuxuu ku yidhi : halkan qod >
meeshii buu qoday wuxuu ka helay dahab iyo luul aad u fara badan , aad iyo aad buu u farxay , wuxuu noqday nin aad iyo aad u maal qabeen ah .
Muddo kabacdi  ayaa waxa da ‘ ay roobab waaweyn oo dabaylo  -daada- iyo dhaxan wata oo kalana qaadi waayey , duurjoogtiina (habar dugaagiina) dhibaatooyin ayey kala kulmeen  .
Markaasaa libaaxii ayaa ku tashaday in uu xaggaa iyo ninkii saaxiibkii ahaa gurigiisii u kici timo .
Ninkii dhuxulaysatada ahaan jirey saaxiibkii libaax wuu soo dhaweeyey ,
hadaba iyana waxa ninkii soo booqdayniman badan oo ay asxaab yihiin , waxay markaa noqotay in uu saaxiibkii libaax qariyo , si aan looga sasin ama looga yaacin ba  .
Libaaxii waxa uu shegeystey sheekadii dhex martay saaxiibkii iyo saaxiibadii saaxiibkii  .
Waxay waydiiyeen : waar ninyahaw waxaanu ogayn adiga oo ah nin danyar oo maqadaa ma dhergaan ah oo aan waxba haysan .
Iminkana waxaad noqotay nin maal qabeen  wayn ah , oo ka mid ah tijaar ta dalka iyo weliba hoggaanka dalkaba  maamula .
ee bal noo warran oo xaggaad wax ka heshay ?
Ninkii wuxuu ugu jawaabay : waad i ogaydeenoo waxaan ahaa nin aad u shaqo badan , oo habeen iyo maalin toona aan jiifsan , markaa  dadaal keygii ayaan halkaa ku gaadhay , cidina ima caawin , cidina gacan ima siinin , cid wax i tartayna ma jirto .
Libaaxii hadalkaa maqlay ayuu aad iyo aad u cadhooday , dabeetana wuu iska tegey oo ay diisii ayuu iskaga noqday .
Ninkii markuu saaxiibkii libaax waayey wuu ka dabategey oo wuu raadiyey , wuxuu helay libaaxii oo buka :wuxuu waydiiyey :saaxiib maxaaku helay ?
Libaaxii ninkii wuxuu waydiiyey in faashka (gudinta) uu sitaa ay afleedahay ?
 wuxuu ugu jawaabay :haa
Libaaxii ninkii wuxuu ka codsaday in uu faashka madaxa kaga dhifto , si uu dhakhso ugu dhinto ama xanuunkan ka caafimaado ?
Ninkii wuxuu sameeyey sidii libaaxu ka codsadey , madaxa ayuu faashkii kaga dhiftay , libaaxiina dhulka ayuu ku dhacay , 
Ninkii wuxuu mooday in labaaxii dhintay , gurigiisii ayuu iska qabtay .
Muddo kabacdi maalin maalmaha ka mid ah , ayaa ninkii oo kayn dhex lugaynaaya , ayaa waxa uu arkay saaxiibkii libaax oo nool oo socda , wuu u yeedhay 
Saaxiib iga raali noqo , waan kugu khaldamaye .
Libaaxii wuxuu ugu jawaabay : bal madaxayga eeg , meeshii aad igu dhifatay inay bogsatay iyo in kale ?
Madaxiisii ayuu eegay wuxuu ku yidhi : wuu kuu bogsaday  nabarkii .
Wuxuu libaaxii ugu jawaabay : ogow xanuunka (nabarka) jidhka waa laga bogsadaa , laakiin EREYGA XUN LAGAMA BOGSADO .
Hadaba mayga warami kartaa waxa aad saaxiibadaaugu sheegi wayday runta iyo in aan anigu ku caawiyey oo halka aad maanta joogto ku gaadhsiiyay ,
ma intaa ayaad ii quudhi wayday .
waar iga tag wanaag iyo saaxiibtinimo inaga dhaxaysaa oo danbe ma jirtee , abaal laawe  waa adoo kale e ????
ALLAW SAHAL AMUURAHA 
CALI MAXAMED BIIXIÂ