Ma maantaad Siiraanyooy Gabileyna ugu goodinaysaa maleeshiyadaada RRU?

Ma maantaad Siiraanyooy Gabileyna ugu goodinaysaa maleeshiyadaada RRU?

MAQAAL

Waxa sida laga warqabo illaa xalay ku soo qulqulayay magaalada Gabiley cutubyo ciidamo oo indhahu u xidhan yihiin oo lagu tilmaamay maleeshiyada lagu magacaabo RRU ee madaxtooyadu ku argagixiso bulsho waynta Somaliland.

Ugu horrayntii waxaan jeclaan Siiranayo inaan u sheego malaha xasuustii ayaa isasii gabaysee in Gabiley tahay  hoygii laga unkay dhaqdhaqaaqii dib u xoraynta Somaliland. Waa goobtii hoyga u ahayd jabhadii afraad, shanaad, naynti nayn, eighty eighty iwm.

Gabiley waa magaaladii soo saartay halyeeyadii dalkan xorreeyay ee aan tiradooda la soo koobi Karin oo u ka mid ahaa xasan yoonis haban, Mahdi, Haybe, (allah ha u wada naxariistee) Taani iyo qaar kaloo aan tiradooda la soo koobi Karin.

Haddaba ugu horrayntii jabhad yar oo aad samaystay oo indhaha aad u soo xidhay ogaw inaanad ku cabsi karayn bulsha waynta reer Gabiley oo u diyaar ah inay si mug leh u soo dhaweeyaan gudoomiyahah xisbiga kulmiye ee Muuse biixi.

Haddii taariikhdaa hore laga yimaado oo xasuusin iga ahayd, ayaa haddana mudan in dib laguugu sheego in Gabiley tahay degaankii sida buuxa kuu saaray kursiga haddi ay noqoto cod iyo cuddudba oo haddanu joogi lahayn general Nuux Taani maanta aad ku asaasiqi lahayd bariga London.

Haddaba iyadoo taariikhdaada madaw aad ku suntantahay abaal laawe oo aad ka bilawday tan iyo intii kursiga lagugu fadhiisiyay inaad sadqayso dadkii ku sharfay oo ugu horreeyay inaad si xishmad iyo sharaf dhac ah aad xilkii uga qaaday ninkii kursiga ku saaray oo ay ku xigtay falalkii anshaxa dhaafsanaa ee aad ula dhaqantay haldooradii reer Gabiley ee ugu danbeeyay Dr Mohamed Abdillah oo ahaa kii aduunka ku baray ee albaab walba kuu furay adigoo meel kale aan aqoon oo sida reerkani isdabayaac ee aad ka soo jeedo meesha aad taqaanay ay ahayd sida la sheegay makhaayad yar oo god ah oo ku taala xaafada bariga London, iyo iyadoo talo xumada lagaaga bartay adiga iyo caga baruurta kugu xeersan ee aan aqoonta lahayn uguna horreeyo ina dhiigshiil xirsi oo keentay inaad maati iyo caruur ku laysaan xabad nool xaafada ahmed dhagax iyo meelo kale oo Somaliland ah iyo reero aamin ah u dhacdaan habeen madaw, ayaa waxa maanta hubaal ah

 

  • In beel danbe oo ku dooranaysaa aanay jirin haba yaraate Somaliland ama saleebaan gaal ha kuu eexdo ama mid iksu sheega diiwan galinta axsaabtu ha kuu sadburiyo. Waxaa dhab uu ah in Afartiina tirada yar leh ee iska gaashaan buuraysatay beelaha aad wada degtaan ay tahay inay ku soo saarto
  • In maanta gaar ahaan beeshan reer gabiley iyo beesha Subeer awal ee markii hore sida mugga kuu soo saartay ay kaa neceb yihiin futo ay oo haba yaraate afar biidhi qaate ah oo aad lacag soo siisaa cidna cod kaaga keenayn
  • In Gabiley ay diyaar kuu la tahay  in lagugu soo dhaweeyo kab taagis mar kaste oo aad u soo baxayso degaankan daahirka oo taas lagaga hortagayo adiga iyo inta kugu xeersan ee booliga qaranka ka dharagtay ee daadisay dhiiga dadka aan waxba galabsan ee reer Somaliland aan laydinka rabin dhulkan
  • In haddii maleeshiyadada gaarka ahi qof reer Gabiley ah bari wax yeesho ay ka dhalan doonto kacdoon lagaaga hor imaandoono xukuumadan tii faqashta ka xun oo dhanka kale laga yaabo inay iska horkeento beesha aad ka dhalatay iyo ta subeerawal oo wax ku yeeloobaan dad aan waxba  galabsan gaar ahaan dadka martida ku aha deegaanda subeerawal.

 

 

Ugu danbayntii waxaan ugu baaqaynaa dhamaan cid kaste oo xaqqa jecel iyo dantada Somaliland inay u soo guntadaan dib u soo ceshada dalkoogii oo u gacan galay caruur iyo dumar waxma garato  ah oo ku yimid xididnimo iyo adeernimo oo si kaste iyo qaab kaste oo ay ku ridi karaan dawladan ay falawgeeda qabtaan. Haddii aan sidaa la yeelin  Somaliland meel fog ayaa laga raadin doona

 

Khaddar kahiye hussein