Maamulka Majeerteenia (Puntland) Oo Sumeeyey Degaanka Beesha Hawiye Ee (Galmudug).

Maamulka Majeerteenia (Puntland) Oo Sumeeyey Degaanka Beesha Hawiye Ee (Galmudug).

Sool
 
Wasiirka Caafimaadka Maamulka Galmudug Axmed Shariif Cali oo la hadlay Website-ka la yidhaahdo Warkii ayaa sheegay in Deegaanada Maamulka Galmudug lagu soo Daadiyey Sunta Kiimikada ah ee Waxyeelada Geeysata.
Axmed Shariif ayaa sheegay in inta u dhaxaysa Magaalada Gaalkacyo iyo Deegaanka Docol ee Barriga Gobolka Mudug lagu Soo daadiyey Suntaas Kiimikada ah.
Wasiirka ayaa sheegay in ilaa Saddex Gaadhi oo ah Nuuca Soomaalidu ay u taqaan Candho Meydka ay Sunta Keeneen, Gaadiidkaas ayaa ahaa mid laga leeyahay Deegaanada Puntland.
“Dadka ku nool Degaanka Docol ayaa nagu wargaliyey Sunta Goobta la keenay, Dadka waan ogadignay in halkaasi ay tagaan,waayo waxaa ka dhalan karta Qatar weyn”ayuu yidhi Wasiirku.
Axmed Shariif ayaa Arrintaasi ku Eedeeyey Maamulka Puntland oo uu sheegay in uu doonayo in uu baabi’iyo Shacabka Maamulka Galmudug.
Waa markii ugu horeysay ee la sheego in Sunta Kiimikada ah lagu soo daadiyo Deegaanada uu ka taliyo Maamulka Galmudug ee Xeebta ka Baxsan.
 
Xigasho: Warkii.com
 
By: Osman Abdillahi Sool…..Freelance journalist. sooldhuub@hotmail.com