Maan filayn in arrimahan aan sheegi doonaa ay Caqligal iyo suuragal noqon doonaan!!!!

Maan filayn in arrimahan aan sheegi doonaa ay Caqligal iyo suuragal noqon doonaan!!!!

MAQAAL

Waxaan maqaalkan kusoo bandhigayaa arrimo badan oo aanan filayn inay suurto gal iyo caqli gal noqdaan:

  1. Maan filayn in dhismayaasha iyo dhulka banaan ee dowlada
  2. Maan filayn in siyaasiyiinta distoorka Somaliland ka soo horjeeday in loo codeeyo ay inagu xukumi doonaan
  3. Maan filayn in nidaamka xisbiyada badan ee aynu kaga guurnay nidaamkii beelaha inay inagu celindoonaan qabyaalad iyo reer
  4. Maan filayn in nidaamka tirakoobka codbixiyayaasha doorashadu uu noqon doono nidaamka ugu musuq maasuq badan qofkuna  qaadan karo 50 kard in kabadan islamarkaana uu ku codayn karo
  5. Maan filayn in arday aan soo marin dugsi sare uu geli karo jaamacad
  6. Maan filayn in sharaabka shaanida ay qaraxdo
  7. Maan filayn in dugsigii aan Waxbarashada ka bilaabay uu noqondoono geerash
  8. Maan filayn in raggii lagu bilaabay golaha guurtida Somaliland 1984 ay fadhiyidoonaan kuraasta ilaa manta 2014. Ilaa hadana aan loo hayn xeer lagu soo doorto.
  9. Maan filayn in ay madaxdhaqameedku siyaasada ku milmi doonaan
  10. Maan filayn in ardayda jaamacadaha ka baxday ay tahriibaan iyaga oo beegsanaaya baaxadsoore, badaha iyo bacaadka
  11. Maan filayn in saxaafada xorta ah ee Somaliland lala beegsan doono xadhig iyo xabad 23 kadib xoraytii dalka.

Maan filayn lasoco todobaadka danbe iyo qodobo kale

Saleebaan Ibrahim Maxamuud