MADASHA WADA TASHIGU WAXAA LA GUDBOON INAY CIIDANKA QARRANKA IS GARAB TAAGTO, DALKANA AY KA DAYSO HAGARMAADA AY KU WADO ,DIFAACA DALKA AYAA KA HOREEYA NECAYBKA SIILAANYO By- Mahamud mohamed Jama

Madasha 11
Nimanka isugu yeedha madasha oo runtii ah koox kooban, oo aan itaal badnayn, taageerona aan ka haysan shacabka xalaasha ah ee soomaaliland, ayaa arrinkoodu ka sii darayaa maalinba maalinta ka dambaysa, hadaladii ugu dambeeyey, ee guddoomiye xassan guure ku tiraabay ayaa ah kuwo ku lid ah qarranimada soomaalialnd, waxaanu u hadalay sidii ururka khaatumo iyo dawlada qoboleedka Puntlanad.
 
 
Marka la eego  xaaladda maanta iyo halka ay gaadheen ciidanka qarranku , waxaa laga filaayey inay is garabtaagaan kuna taageeraan daddaalka loogu jirro- in dalka gacanta lagu wado taabo, laakiin nasiib darro- waxay bilaaleen inay ,  afka saraan saxaadda , halkaasna ka bilaabaan olole ka dhan ciidanka qarranka iyo siyaasada xukuumada ee ku aadan in dalka dowladu wado gaadho.
 
 
Haddaba waxaa soo if baxaysa nimankan, isku magaabay madasha wadatashigu in ay dalka u haystaan caasimada hargeysa oo keliya- aqoonadarro weynina ka haysato- xudduudaha soomaliland la leedahaya dawlaha jaarka ah.Hore ayay u dhacday mar madaxweynu socdaal ugu baxay magaalo madaxda labaad ee burco in madashu ku dooday ina madaxweynihii dalka ka maqan yahay oo la waayey!!!.
 
 
Nimanka runtii kama  soo jeedo- masuuliyada, iyo in dalka loo tudho- sida caadada ah ee lagu yaqaan dadka wadiyiinta ah- marna kama soo horjeestaan ciidankooda oo dagaal ku jirra, si kasta oo dhaliilo u jiraan. Maantana   uma  eka mashashina inay, niyad jebbin iyo olole ka dhan ah danaha iyo qarrainyada soomaliland la gola yimaadan- iyadoo ujeedadooda kowaada tahay siilaanyo nicayb iyo  xukun jecayl.
 
 
mahamud mohamed jama.
 
<mahamudmohamedjama@yahoo.co.uk>