Madaxwaynaha Dalka Soomaaliya iyo Madaxwaynah cusub ee Dalka Masar oo Wada Fadhiistay Galabta!!(Daawo Sawirada)

image

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu hogaaminayay oo ka qeyb galay xafladda caleemo saarka Madaxweynaha Dalka Masar Cabdifataax Al-Sisi ayaa kulan la qaatay dhigiisa Masar.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Cabdifataax Al-Sisi waxa ay ka wada hadlayn xoojinta xiriirka labada Dal iyo doorka Masar uga aadan horumarka iyo nabadgelyada Soomaaliya, waxaana uu Dal Madaxweynuhu uu dhigiisa Masar ugu hambalyeeyey xilka cusub ee uu ku guuleystay kaddib doorasho ka dhacday dalka Masar.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, ahna sii hayaha xilka Wasiirka Amniga Qaranka Mudane Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in kulanka Madaxweynuhu uu la qaatay Madaxweynaha Masar ay kaga wada hadleen arrimo badan oo xaaladda dalka ku saabsan.

image

Xafladda Caleemo saarka ee Madaxweynaha Masar waxaa kaloo ka qeyb galay Wafuud heer caalami ah, waxaana markii xilka Madaxweynenimo loo dhaariyay uu balan qaaday in uu ilaalin doono danaha shacabka Masar iyo midnimada shacuubta dalka Masar ku dhaqan.

Wefdiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa la filayaa in ay soo gabagabeeyaan socdaalka ay ku joogaan dalka Masar

W/D:- Cabdiqaar Timo

Muqdisho Somalua