Madaxweynaha Dowlad deegaanka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo Dagaal ka dhan ah Al-Shabaab ku dhawaaqay, amrayna ciidamada

image

Madaxweynaha Dowlad deegaanka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya Maxamed Cumar ayaa ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Ururka Al-Shabaab ee ka dagaalama Koonfurta iyo Bartamaha dalka Soomaaliya.

Isaga oo ka hadlaye Madaxweynaha Dowlad deegaanka shir looga hadlaye arimaha Shabaab oo culimadda Deegaanka uga furmay Magaalada Jig-jiga ee caasimada Dowlad deegaanka, ayaa wuxuu halkaasi ka sheegay in shacabka iyo culimadda ay udiyaargaroobaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Maxamed Cumar Madaxweynaha Dowlad deegaanka, ayaa sheegay qofkii dila Askari Shabaab ka tirsan inuu galayo Janada, taasina ay tahay mid aan shaki ku jirin, maadaama Al-Shabaab ay yihiin cadoow doonaya laynta umadda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa Al-Shabaab ugu yeeray magaca (AlQushaash) isaga oo cadeeyay in maamulkiisa uu diyaar u yahay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab meel waliba oo ay joogaan, waxaana uu ciidamada ku amray inay laayaan meel waliba oo ay ku arkaan rag Al-Shabaab ah.

Culimadii madasha ka hadashay ayaa go’aamiyay in dhiiga Al-Shabaab uu yahay mid xalaal ah oo loo baahan yahay shacabka oo dhan inay kawada qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka biloowday dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ee Jig-jiga.

Al-Shabaab iyo ciidamada loo yaqaan Liyu Booliis ayaa kuwada dagaalamay deegaanka Caato oo ka tirsan Gobalka Bakool kuna dhaw xuduuda Soomaaliya iyo Itoobiya, halkaasi oo dagaal culus uu ku dhexmaray labada dhinac kaasi oo dhowr maalin dhacay.

Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ee Magaalada Jig-jiga ayaa dagaal culus kula jira Ururka ONLF oo ay ubixiyeen (UBO), hadana dagaalkaasi waxaa ku biiray Al-Shabaabka Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ka dagaalama oo ay iyagana ubixyeen (Al-Qushaash).

Salaanmedia/Mogdisho