Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Gaas Oo La Kulmay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

DF

June 27,2014 kenya(SM)-Madaxwaynaha Dowlada Puntland Mudane Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa Galinkii Dambe ee Maanta Kullan kula qaatay Magaalada Nayroobi Madaxwaynaha Dalk Kenya Uhuru Kenyatta.

Kullanka uu Madaxwayne Gaas la qaatay Uhuru Kenyatta waxaa ku wehliyay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland iyo Sidookale Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Puntland.

Qodobadii ugu muhiimsanaa ee shirka looga hadlay waxaa kamid ahaa Xoojinta Xirriirka wada shaqeyn ee u dhaxeeya Dowladaha Puntland iyo Kenya,Amniga,Siyaasada iyo sii wadida Ganacsiga labada dal, Arrimaha Federalka iyo Dismaha Maamul Goboleedyada Dalka Soomaliya.

Madaxwayne Mudane Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Uhuru Kenyatta waxa ay isla qaaten in Puntland iyo Kenyaba Xafiisyada qunsuliyadahooda ka furtaan Magaalooyinka Garoowe iyo Nayroobi.

Madaxwaynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta.ayaa mudadii uu kullanku socday Madaxwayne Gaas ugu hambalyeeyay Guushi uu ka gaaray doorashadii ka dhacday Gudaha Puntland gaar ahaan Magaalada Garoowe.

Salaanmedia/ Kenya