Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga ka gudoomay Safiirka cusub ee Canada.

image

Muqdisho-15-Juun-2014- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta waraqadahii aqoonsiga ee safiirnimo ka gudoomay Safiir Cusuboo ay Dowladda Canada u soo magacaawday Dalkeenna Soomaaliya.

 

Mr. David Angel oo ah Safiirka cusub ee Dowladda Canadda u soo magcaawday Soomaaliya ayaa Madaxweynaha u gudbiyey fariiin uu uga waday Madaxweynaha Dowladda Canada. Sidoo kale Safiirka ayaa Madaxweynaha uga mahad-celiyey sida looga aqabalay warqadahiisa safiirnimo, wuxuuna ballan-qaaday xoojinta xiriirka labadda Dowladood.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhaweyey safiirka cusub. ” Waxaan ka fileeynaa Mr David inuu ka shaqeeyo xoojinta xiriirka labada Dowladood, Dowladda Soomaaliya waxay diyaar u tahay inay u fududeyso howlahiisa” ayuu yiri Madaxweynaha.

 

Ugu dambeyn, Madaxeynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad-celiyey Dowladda Canada sid ay u soo dhaweysay Soomaalida faraha badan ee ku nool dalkaasi kuwaasi oo kaalin muhiim ah ka qaata dib-u dhiska Dalkood Soomaaliya.

Salaanmedia/Mogdisho