Madaxweyne Axmed Silaanyo Oo Shacabka Hanbalyo U Diray Munaasibada 26-June Oo Ah 54-guuradii Markii Somaliland Xorriyadeeda Ka Qaadatay Ingiriiska.

image

(SM-Hargaysa) Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mud. Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) ayaa shacabka u diray hanbalyo ku aadan xuska 54-aad ee Ka soo wareegtay markii Somaliland xorriyadeeda Ka Qaadatay maxmiyadii Ingiriiska, taas oo ku beegan 26-June oo maanta ah, sidaana waxaa lagu sheegay war-saxafadeed uu ku saxeexan yahay afhayeenka Madaxtooyadu wuxuuna u dhignaa isagoo dhammaystiran.

 

Date: – 26/ 05/2014

HAMBALYADA MADAXWAYNAHA 26- JUNE

Madaxwaynaha jamuuriyada Somaliland isgoo ku hadlaaya magaciisa ,magaca golayaasha qaranka iyo guud ahaanba magaca shacabka jamuuriyada Somaliland waxaaa uu munaasibada 26 –june darteed hambalyo u dirayaa shacabka reer Somaliland guud ahaan meel kasta oo ay joogan gudo iyo dibadba.

Madaxawayanaha jamuuriyada Somaliland waxa uu xusay gobonimadii dadka reer Somaliland ay heleen 1960-kii in ay noqon wayday oo wixii laga filaayay ay marin habawday, shacabka Somaliland wanaagii iyo jecelkii ay u qabeen walalahooda somaliya waxaa loogu badaley, dhibaatooyin iyo burbur gayaysiiyay aakhirkiina keenay in dalkooda ay gabi ahaana ay dibada uga baxaan cadaadiskii,dilkii iyo dhicii lagu hayay darteed.

Qalad-kaasi dhacay lixdankii waxaa dib loo saxay 1991-kii markaasi oo gudoon lagu gaadhay qaranimada Somaliland in ay gaarkeeda ay ahaato, lana abuuro dawladnimo dadkeeda u dhigta mustaqbal iyo aayatiin wacan , waxaanay dawlada Somaliland iyo shacabkeeduba u quus go’nayaan kuwa quudaraynaya wixii la odhan jiray somaali-wayn in anay waligeed dhici doonin in go’aankooda ay dib uga laabtaan shacabka Somaliland .

Xaqa go’aan ka gaadhista aayahooda cidna marti ugama aha, Dadaalka ay ku xaqiijinayaan qaranimadooduna waa tii ay ku soo dhiseen nabad galyadooda, nidaamkooda dawladnimo, oo saldhig adag ay u tahay nidaam tastuur ah oo waajibinaya jidhka dawladnimada loo marayo oo ah nidaam dimuqaraadi ah.

Ugu danbayntii madaxwaynaha jamuuriyada Somaliland waxa uu u soo jeediyay shacabka reer Somaliland in ay foojignaan dheeraad ah u yeeshan nabad- galyadooda iyo difaaca qarankooda.

Allaa mahad leh

Afhayeenka madaxtooyada

Axmed saleebaan dhuxul