MADAXWEYNE SEEFTAADU HA NOQOTO MID GO’YSA XAQ DARRADA IYO KUWA GODUBTA KUU MALEEGAY

image

 

 

 

 

MADAXWEYNE SEEFTAADU HA NOQOTO MID GO’YSA XAQ DARRADA IYO KUWA GODUBTA KUU MALEEGAY

Waxa la waday oo la waayey in la helo war been ah oo Ina Abees nin iyo magaci is lehe, uu ka fidiyey Shirweyni Kulmiye oo uu yidhi waxa naloo igmaday inaanu magacowno Golaha Fulinta. Waan joogay ani iyo in kor u dhaaftay 2000 ruux taas sheegaya ha la dhaariyo Walee inayna dhicin goob marna Shir weyni ku ansaxiyey taas. Been malaasan oon geedna loogu gaban weeyi ninka taas fidiyey oo ah salka ay balaayada Kulmiye dhex gashay ku taagan tay waa ina Abeed oo u badheedhay inuu xisbiga dumiyo.
Hadday ka tahay Muuse Biixi iyo Ina Kaahin ku xumee miyaanu ogayn in dadweynaha cidda xisbiga uga wakiil ihi yihiin labada mujaahid hadday ka baxaan iyo haddi la xumeeyana dadweynahi ka dareeri doono.
Halkeyd cod uka keynaysaan adiga iyo Caabdi Aw Daahir ina Abeesow, mise sida Ina Wabeeye ayaad qandaraas ka haysataan Xisbiga Wadani ee Xirsi iyo Samaale ay heshiiska qarsoon kiula galeen Danu Jadiid iyo Cirro.
Meesha waxa yaala agenda qarsoon oo xumaan kasta oo la bogsiiyo mid kale laga dabo keynaayo si dadku uga cararo Kulmiye xataa hadday keynayso isku dhac iyo burburtka Soomaliland. Waxay koosdani u qorsheysan haddii WADDANI helo iyo hadday Soomaliweyn la raaco mid walba heshiis ayaa ka yaala. Sidsaas darted nabad iyo nasteexo uguma jirto in dalku dego., Waa ionay qasba qas ka daboi keenaan,

Nin beento wanaag u tahay, burburka ka macaasha oo ka faa’iida dhiiga dadku ma yeelaayo il;aalinta nabadda iyo danta guud ma dhawraayo wadajirka kal socodka ayaa Danni ugu jirta , kala go’a ayaa Danni ugu jirta, Kulmiye oo burbura ayey rabaam, Siilanyo oo wareera oo tahli waayo dhibta ay aloosan ayey ka faa’ideysanayaan. Waa dhiig ku noolaayaal iyo xumaan dhuuq is xushay,

Allow Madaxweynaha maruun tus dabka uu ku fadhiyo, maruun tus dibinka loo dhigay, maruun tus cidda u nasteexa ah iyo kuwa cadowga u ah ee saaxiibka uu moodaayo.
Baadida ninba kula deydeyi oon doonayn inaad hesho daa’in abidkaa..

Allow xumaanta Aw Samaale iyo Xirsi ku celi hoostooda, ku koob n aftooda, ka yeel kuwa dhakhso u dhadhamiya. Aaamiin ila dhaha

http://qarannews.com/?p=46499

http://qarannews.com/?p=46478

Cabdi Xaaji Axmed