TALO NASTEEXAA…MADAXWEYNE SIILAANYO HA ISCASILO, GUURTIDUNA DAWLAD KU MEELGAADHA HA SAMAYSO OO DALKA DOORASHO GAADHSIISA:

MADAXWEYNE SIILAANYO HA ISCASILO, GUURTIDUNA DAWLAD KU MEELGAADHA HA SAMAYSO OO DALKA DOORASHO GAADHSIISA:

MAQAAL

Waxa cad in Axmed siilaanyo ku fashilmay hogaamintii qaranka JSL, waxaana muuqata in qarankani uu burbur halis u yahay. waxa kale oo aynu ognahay in madaxwaynuhu samato bixin kari waayey khilaafka xisbiga kulmiye ee uu madaxweynaha ku helay. ugu danbayntiina uu khilaafkii xisbiga u xilsaaray golaha guurtida JSL.

Hadaba waxaan ugu baaqayaa Madaxweyne Siilaanyo inuu iscasilo inta aanu dalku burburin, xasuustana dardaarankii madaxweynihii ka horeeyey ee ahaa (Aniga Dalku Gacantayda Ku Burburimaayo). Haddaba madaxweyne Xisbigii kulmiye gacantaada ayuu ku burburay waxaana aad ku wareejisay taladii xisbiga golaha guurtida, haddaba madaxwayne haddii aanu nahay shacabka mucaaradka ah, arrintan distoorka JSL ma ogola waayo Marka khilaaf yimaado xisbiyada dhexdooda waxa ay ku kala baxaan xeerarkooda, waxa keliya ee aad manta golaha guurtida ku wareejisay waa hogaamintii dalka markaa adigoo waafajinaaya distoorka JSL waa inaad raacisaa warqadii iscasilaada maadaama aad ku wareejisay mustaqbalkii xisbiga kulmiye inay ka soo taliyaan golaha guurtidu. iyada oo kulmiyena ahaa Xisbi Xaakimkii dalka hogaaminaayey, hadda laga bilaabo taladu waxa ay gacanta ugu jirtaa golaha guurtida soomaaliland.

Waxaan golayaasha guurtida iyo wakillada ugu baaqayaa anay dalka badbaadiyaan oo soo dhisaan dowlad wadaag ah oo kumeelgaadh ah oo dalka doorasho gaadhsiisa. Khilaafka kulmiyena waa in laga horaysiiyo badbaadada qaranka, intaa kadibna khilaafka kulmiye lagu kala saaro xeerarkiisa xisbinimo, meeshana laga saaro xeer jajabka.

Waxaan marlabaad xusuusinayaa golaha guurtidu inay ogaadaan inay gacantooda ku jirto hogaamintii talada qarankani, Madaxweyne badbaadin kariwaayey xisbigiisana waa inaanay kusii eegin hogaaminta qarankan waayo madaxweynaha kama filayno inuu doorasho ina gaadhsiinkaro  sidaa awgeed madaxweynuhu wuxuu idinku wareejiyey waajibaad ee howshiina guta.

Xisbiyada Mucaaradka ahna waxaan ugu baaqayaa inay kaalintooda qaataan.

Shacabka reer Somaliland-na waxaan ugu baaqayaa inay nabadgelyada ilaashadaan.

Madaxweyne Siilaanyona waxaan leeyahay iscasilaadu ceeb maaha ee waa geesinimo lakiin waxaa ceeb ah in qarankani gacantaada ku burburo.

Taladani waa talo nasteexo

Wa bilaahi tawfiiq

Waa Qalinkii Saleebaan Ibraahim Maxamuud