Madaxweyne Siilaanyo oo marsaday mudo kordhin iyo xisbiyada mucaaridka ah oo uu si dadban uga saxeexay!,

nin baa laga hayaa meel aan rabay roob ma igu helay! madaxweyne siilaanyo oo ula booc ah ugu tukubaayay sidii ay ugu suuro geli lahayd in mudada xilka kursiga madaxtooyada loo kordhiyo ayaa fursad ka helay inay u sahasho xaalada ka taagan deegaanka taleex oo mudo aad u dheer shir ka dhan ah qaranimada Somaliland ka socday,

MAQAAL
 
shirkan xukuumadu ka dhex toostay hada ma aha kii ugu horeeyey ee deegaankaas ka qabsooma waase kii sadexaad awelba way ka warqabtay xukuumadu shirkan wayna daawan jirtay ee hada maxaa is bedelay?! waxa qudha ee is bedelay waa duruufta siyaasadeed ee dalku marayo maanta xukuumada oo mudada xilkeedu gabaabsi yahay doorashooyinkii oo soo dhow xukuumada oo aan doorashooyinkaas waxba u qoondayn iyo madaxweyne siilaanyo oo mudo kordhin raba taleex oo noqotay meesha qudha ee madaxweyne siilaanyo ku ansax sankaro mudo kordhinta uu rabo!,
 
waa sharci in madaxweyne siilaanyo difaaco qaranimada dalka iyo xuduudihiisa cidna ka ogolaan inay soo farageliso waana waajibaadka shaqo ee loo igmaday ama loo doortay waanay fiican tahay in arintan oo kale talo qaran laga yeesho maadaama oo difaac qaran lagu jiro laakiin su-aasha meesha taal ayaa ah imisa sano ayay arintani socotay oo ay xukuumadu daawanaysay ma maanta oo ay bulshada caalmaka u gudubtay ayay wax ka qabasho leedahay mise markii ay bilowga ahayad? 
 
waxa la yidhi beladu daaman la qabto ayay leedahay ee dabo laqabto malaha! intii aanay khaatumo dalka ku sharciyoobin ayay ahayd in laga hortago ee maanta oo ay saaxiibo badan yeelatay may ahayn in lagu baraarugo,
 
waxa iyaguma wax lala yaabo noqday qolyahan xisbiyada mucaaridka sheeganaya ee aan garanayn sidii ay xukuumada ula sixaab tami lahaayeen iyo u jeedada fog ee uu madaxweyne siilaanyo ka leeyahay shirka deg dega ah ee uu isugu yeedhay arintu waa halkii aw xasan sheikh cismaan nuur uu yidhi biyaha berkedu waa dusha ka sumuni hoostana waa ka canteen!,
 
xisbiyada mucaaridka ah iyo hogaanka xisbiga kulmiye ee awelba talada laga qaaday waxay warka madaxweynaha u qaateen si guud iyo xaalada deeganka taleex ku sugan yahay oo ay si guud u qiimeeyeen laakiin hoos xaajada umay deyin iyo waxa ku hoos jira ee lagu qarinayo, waxay ahayd inay xukuumada iyo madaxweynaha kula xisaabtamaan mudadii shirarkani socday iyo wareegyadii uu hore u soo maray maxay xukuumadu ka qaaday oo talaabo ah maxaase maanta keenay qaylo dhaanta intaas le-eg hadaan wax lagu qarinayn!,
 
takale xukuumadu ma aha in ay waajibkeeda shaqo ee loo igmaday cidna amar uga qaadato waa inay fulisaa xukuumadu wixii ay iyadu u aragto inay qaranka halis gelinayaan waxayse maanta kulankaas balaadhan u qabatay waa inay wax aan meesha oolin ku sharciyay sato oo meel marsato oo weliba ka saxeexato kuwii iyaga loo doortay inay xukuumada la xisaabtamaan!,
 
bal beri maxay odhan kuwa maanta mudo kordhinta dadban laga saxeexday marka beri madaxweyne siilaanyo inta uu deegaanka taleex dagaal ka rido uu yidhaah dalku xaalad qalafsan ayuu ku jiraa oo doorashooyin inay dhacaan ma suuro gelaysee mudo ku meel gaadh ah halay kordhiyo salebaan gaalna  ugu duugo qalinka! way ku khasban yihiin ileen iyagaa saxeexay oo ma diidi karaane!, waxaan ku soo xidhayaa dalku uma baahna mudo kordhin iyo xaalad la abuuro ee waxa uu u baahan yahay in la dardar geliyo sidii dalka doorasho uga dhici lahayn dadka reer taleexa waa dad la dayacay oo u baahan wax ka hawlgala oo ka shaqaysta waxaana ka dhab ah sida ay ciidanka qaranka ee tegey u soo dhaweeyeen ee awrta ugu qaleen.
 
aadan axmed nuur