Maqaal Culus:Taageerayaasha Muuse Biixi “Shan Sanno Oo Dambe Oo Maqaarsaar Naguma Matashid”

AIbEiAIAAABDCJnso5_O4LmTeyILdmNhcmRfcGhvdG8qKDFjNzFhNjE1NWVhYWVlNzhhY2MyNDAyYzE0NDc5ZjIxYWIzMzIxNjEwAXGk2wl0GF0oincK26taAHfzxerA

Anigoo ka mid ah dhalinyarada reer Somaliland ee sida weyn u taageeri jirtay Gudoomiyaha Falaagoobay ee Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaaa waxa Habeen badhkii xalay aan goobaha warbaahinta ee Internetka aan ku arkay War aan saacado badan u qaadan waayay, kaas oo ahaa in Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabid uu ka tanaasulay Musharaxnimada Madaxweynaha ee Xisbiga Kulmiye.

 

Runtii dhul gariir muu dhicin waana wax iska caadiya inuu tanaasulo shaqsi damac lahaa, laakiin sida ay bulshadu wada ogtahay tan iyo markii uu Muuse Biixi uu shaaciyay inuu u taagan yahay jagada Madaxweynaha ee Xisbiga Kulmiye islamarkaana uu dagaal siyaasadeed lagalay Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo, ayaa waxa uu bulshada Somaliland ka kasbaday Taageero balaadhan oo ay u muujiyeen Taageerayaashii Xisbiga Kulmiye, gaar ahaan beesha uu ka soo jeedo ee Subeer Awal, taas oo keentay in dad badan loo xidhxidho oo ay ku jiraan Masuuliyiin iyo Xildhibaano, halka qaar kalana ay wali dad kale oo shicib ahna ay ku jiraan xabsiyada, taas oo ay ku mutaysteen inay Taageereen Muuse Biixi, sidoo kalana shacabka iyo taageerayaasha Muuse Biixi lagu xidhxidhay Sawirada Muuse maxaad u qaadanaysaa ama aad gaadhigaaga ugu dhijinaysaa.

 

Haddaba anoo la yaaban warkan ay soo tabisay Warbaahintu ayaaba waxaan toos u daawaday Gudoomiye Muuse Biixi oo dhoola cadaynaya islamarkaana ku dhawaaqaya hadalo deel qaaf iyo gef ku ah taageerayaashiisii halkaganka dheer la soo galay, isla markaa isaga dartii ay dhibaatooyin fara badan oo xadhig iyo xagjuglay la kulmay, kaas oo si dheeldheel ah uu ugu tilmaamayo inay wax iska caadiya uu sameeyay oo isaga laga badiyay oo uu Madaxweyne Siilaanyo u tanaasulay, walibana sida uu hadalka u dhigay ay jiraan dad badan oo Taageerayaashiisa ah oo cadhoon kara laakiin aanay wax dhib ah lahayn, ee isaga oo eegaya danta qaranka uu wax walba sidii uu Madaxweynuhu doonayay uu yeelayo, taas oo uu halkii raaligalin uu uga diri laahaa taageerayaashiisii uu si dheeldheel ah oo qosol ah uu yidhaahdo wax walba anigaa yeelay oo ogol ee sidaa ula socda.

 

Waxaanu leenahay Gudoomiye Muuse Biixi haddaanu taageerayaashaadii nahay Maanta laga bilaabo ma tihid Gudoomiyahayaga, si degdeg ah kaaga tashan doonaan taageerayaashaadii, waxaanu ku leenahay waxaad martay waddadii ay mareen ragii adiga kaa horeeyay ee Xukuumada Siilanyo dhinaceeda ku biiray Sida Golaha Wasiirada iyo Xoghayahaagii Xasan Siciid iyo guddigii Fulinta ee aad magacawday ee is casilay ka dibna ku biiray dhinica Xukuumada, kuwaas uun baad ka mid noqotay, waxaanu ka xunahay inaad Taageeraayaashii galisay dagaal indho la’aan ah, isla markaana ay qaarkood ilaa maanta Xabisiyada ugu jiraan laakiin aad kaga baxday, horeba way u dhacday in rag badani la mustafeeyay anagoo tixgalin balaadhan kuu hayna haddana maanta laga bilaabo naguma matashid Siyaasada haddaanu nahay dhalinyarada Subeer Awa l ee ku taageeri jirtay, kulamo soo socdana waanau kaga tashaynaynaa halkii dantayadu ku jirto, lagama yaabo inaad naga matasho 5 sanno oo dambe oo maqaar saar aad tahay.

 

Mohamoud Osman Abdi

 

Mccabdi86@gmail.com

 

Hargeisa Somaliland