Masuuliyiinta Akadamiga Nabadda oo ka Warbixiyay Doorka ay ku Leeyihiin Xoojinta Nabadda iyo Is-dhexgalka Bulshada

Masuuliyiinta Akadamiga Nabadda oo ka Warbixiyay Doorka ay ku Leeyihiin Xoojinta Nabadda iyo Is-dhexgalka Bulshada

11
Burco (SM)- Akadamiga Nabadda iyo Horumarka ee Somaliland, ayaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha ka caawiyey shir ay isugu keeneen hoggaamiyeyaasha madax-dhaqameedyada iyo waxgaradyada Gobolada Sool, Sanaag, Saraar, Oodweyne, Togdheer, Saaxil iyo Gabiley oo magaalada Burco lagu qabtay shalay, kaasoo lagaga hadlay nabadgelyada iyo is-dhexgalka bulshada.

Mr. Xasan Cumar Halas oo ku hadlayey magaca Akaademiga Nabadda iyo Horumarka, ayaa u mahadnaqay Wasiirka Arrimaha Gudaha oo uu ku tilmaamay inuu suurtogeliyey shirkan nabadda la isugu keenay dhammaan hoggaamiye dhaqameedyada, isagoo xusay doorka ay ka qaataan nabadgelyadda.



“Runtii waxaannu ka soconayaa hay’ada wadaniga ee la yidhaa Akaademiga Nabadda iyo Horumarka – Somaliland oo ah Hay’ad cilmi-baadhiseed oo wax ka qorta nabaddaynta, dimoqraadiyadeynta iyo maamul-daadejinta. Markaa shirka halkan lagu hayaa waxa uu naga saameynayaa qeybtan cilmi-baadhista xallinta khilaafaadka, ayaannu wax ka qornaa,” ayuu yidhi Xasan Cumar Halas, isagoo intaas ku daray; “Inta badan Wasaaradda Arrimaha Gudaha waannu ka wada shaqeynay iyo maamullada gobollada bariga. Madaama Akaadamigu Burco xafiis ku leennahay, la shaqeynayaa guddoomiyeyaasha Gobollada Sool, Sanaag, Togdheer iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha wixii khilaafaad ah wax ka qoristooda cilmi-baadhisteeda, mararka qaarkood na taakuleyn ka geysanno, sababahaas ayaannu u danaynaynaa shirkan oo runtii Wasiirku suurtogeliyey isku keenista hoggaamiyeyaasha dhaqanka ee dhammaan gobollada Somaliland, qeyntan bariga si aad iska warreysataan adkeynta nabadgeliyadda, waxaanan arrintaas uga mahadcelinayaa wasiirka daakhiliga.”

Mr. Xasan Cumar Halas oo madaxdhaqameedka la dardaarmay, waxa uu yidhi; “Hoggaamiyeyaasha dhaqanku waa hoggaamiyeyaal dadka oo meelaha aanay dawladdu gaadhi karin, maadaama dhaqaalaheenna iyo awoodeenuba yar tahay. Waxaad tihiin dadka faafiya dawladnimada ee gaadhsiiya dadka caadiga ah ee u baahan dawladnimada. Sidaas ayey muhiim u tahay inaad isugu timaaddaan shirkan sida loo adkeynayo nabadgelyadda, fikradana isku weydaarsataan si wax laysku ogyahay uga soo baxaan adkeynta abadgelyadda.

Runtii khilaafaadku waa wax ka dhex dhaca bani’aadamka oo ku abuuran, wax la tirtiri karana maaha, wuu dhici karaa, xataa xayawaanka caadiga ah ayaa is-khilaafa, laakiin xayawaanka wuu dagaallamaa hadduu is-khilaafo ama baxsadaa, laakiin bani’aadamka Ilaahay karaamo ayuu siiyey oo waa hadalka oo in la isku qanciyo hadal oo lagu kala bogto. Waa karaamo Ilaahay siiyey dadka, waata aynu dheer nahay xayawaanka kale. Markaa waxaan filayaa in aynaan sida xayawaanka u dhaqmin ee aynu wadahadalka u adeegsano nabadda iyo adkeynteeda.”

Waxa kaloo uu sheegay in aanay hoggaaminta dhaqanku isku bedbeddelin sida dawladaha midiba mar xilka qabato, waxaannu yidhi; “Waxaannu aad u xiiseynaynaa, hoggaaminta dhaqanku iyagu isma beddelaan, dawladuhu way is-beddelaan oo marba dawlad baa qabata hoggaanka, laakiin hoggaamiyeyaasha dhaqanku waa joogto, markaa waxaan ku talin lahaa in hoggaamiyeyaasha dhaqanku aaney milmaan siyaasadda oo ka madaxbannaanaadaan oo hadba dawladdii timaad ka la shaqeeyaan nabadeynta. Waayo, hadday ka madaxbannaanaan waayaan siyaasaddda oo ay ku milmaan, waxay luminayaa dhex-dhexaadnimada ee bulshada dhexdeeda, waanay qeybsamayaan, mana xallin karaan khilaafka dadka ay hoggaaminayaan; laakiin markay dhexe-dhexaad yihiin dawlad kasta oo timaad way la shaqeynayaan, dadkuna way ku kalsoonaanyaan hoggaamintood. Markaa waa in aanay khilaafka siyaasadeed ku milmin, si ay u noqdaan kuwo dhexdhexaad ah oo wixii khilaaf ah ee yimaad xallin karaya, haddii kale waxa lagu tirinayaa dhinac oo ciddii is-qabataaba waxay ku tirini qolo kale, xisbi kale ama siyaasad kale ayey ku tirini, taasina waa mid aan loo baahneyn oo keeni karta in ayna xallinin khilaafaadyada dhaca.”

Mr. Xasan Cumar Halas, ayaa sidoo kale sheegay saddex arrimood oo madaxdhaqameedku u xilsaaran yihiin, waxaannu yidhi; “Waxaad u xilsaaran tihiin saddex arrimood; marka hore waxaad tihiin booliskii wax soo qabanayey dhulka aanay dawladdu gaadhin. Mar waxaad tihiin maxkamaddii qaadaysay. Marna waxaad tihiin kuwii fulinayey oo saddexdaa arrimood ayaad dawladda ka wadaagtaan. Marka la leeyahay hoggaamiyeyaal dhaqan waxa macnaheedu tahay hawlihii nabadeynta ee dawladdii qabaneysay ayaad ka fulisaan meelaha ayna dawladda awoodeeddu gaadhin amma ka caawisaan. Markaa waxaad tihiin kuwii soo qabanayey kii dembiilaha ahaa, mar waxaad tihiin maxkamaddii ka gar-qaadayey ama waad gar-darran ama dawladda u keenayey ee sharciga fulinayey, marna waxaad tihiin kuwii khilaafka horjoogsanayey inta aannu dhicinba baad noqonaysaan.

Salaanmedia/Burco