Maxaa Loo Hayaa Xaal Tanaasulka Muuse Biixi Uu U Tanaasulay Madaxweynaha By Mohamed Hamud Ali

Maxaa Loo Hayaa Xaal Tanaasulka Muuse Biixi Uu U Tanaasulay Madaxweynaha By Mohamed Hamud Ali

Daawo : Hees Cusub Oo Loo Sameeyay Muuse Biixi ” Kurigaasaan Caashaqayee Madaxweyne Kol Idhaha “
Marka hore waxaan salaamayaa dhamaan warbaahinta madaxa banaan ee ka hawl gasha Somaliland, salaam ka dib waxaan wax ka odhanayaa tanaasulka Muuse Biixi u tanaasulay madaxwaynaha Somaliland inuu noqdo musharaxa madaxwaynaha ee xisbiga kulmiye shanta sano ee soo socota.

Muuse oo runtii sameeyey arin lagu farxo oo soo af jaray khilaafkii gaadhay xitaa in qabyaalad la adeegsado ee xisbiga kulmiye soo kala dhex galay, kaas oo uu runtii Muuse muujiyay dulqaadkiisa iyo doonista danaha qaranka Somaliland.
Hadaba maadaama Muuse u tanaasulay madaxwaynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamud Silanyo, maxaa iska bedeli kara khilaafkan la buun buuniyay ee gaadhay xitaa bulshadi rayidka ahayd ee ahaa taageerayaasha xisbiga kulmiye kuwaas oo uu u saameeyey hab aad u fool xun oo qabiil qabiil laysu kala qaadayo, dadkan oo markii hore dhamaantood qabiilkoodu ahaa oo kaliya kulmiye, oo aanay jirin wax uga sii hooseeyaa.
Runtii Muuse Biixi waxaan ku bogaadinayaa sida fiican ee uu u ilaalinayo ishaysiga xisbiga iyo wax wada qabsiga bulshada dhexdeeda, maxaa yeelay ilaa iyo intii uu soo baxay khilaafka kulmiye isaga Muuse ayuun baa mar walba tanasulayay oo wax tanaasul ah lagama arag dhanka xukuumada oo mar walba tooda ayaa soconaysay ha gar darnaadaan ama yayna gar darnaan e.
Hadaba maadaama Muuse Biixi soo afmeeray khilaafkii xisbiga kulmiye ee gaadhay xitaa in qofkii sita ama lagu arko sawirka Muuse Biixi la xidho MAXAA LOO HAYAA XAAL, maxayse tahay cadaawada intaa lee gee markiiba loo qaaday Muuse Biixi, side baana loogu qancin karaa bulshadii lagu xidh xidhay sawir khaldan ayaad sidataan kasii mid ahaan shaha xisbiga kulmiye, maxaa yeelay xukuumadu mudadii yarayd ee khilaadku jiray waxay is ticmaashay caga juglayn iyo xadhig laysugu daro taageerayaasha xisbiga kulmiye ee iminka madaxwaynu musharaxa u yahay.
Ma isu soo dhowaynaysaa tanaasulka Muuse Biixi u tanaasulay madaxwayanaha Somaliland bulshadii lagu dhex riday bamka nuclear –ka ah, bulshadaas ama taageerayaashaas oo badhna la xidhay badhna caga juglayn iyo car juuq dheh lagula kacay, mise waxani waa siyaasad oo waxa la diidayaa in cid aan taageersanayn madaxwaynaha ay mikirifoonka la wareegto.
Waxaan u soo jeedinayaa dhanka xukuumada maadaama mar walba Muuse u taagan yahay u tanaasulka danaha qaranka xukuumaduna inay ilaaliso xuquuqda muwaadinka oo aan lagu tagri falin, joojisana is kooxaysiga cadaalad darada ah ee ku salaysan is nebcaysiinta bulshada walaalaha ah iyo in meesha laga saaro dhamaanba wixii muwaadiniinta tuhun khaldan ku abuuraya, danta gaarka ahna laga horeysiiyo danta qaranka maxaa yeelay bulsho waxay ku horumartaaa markay ka shaqayso danta caamka ah, waana in mashqo kasta lagu dhameeyaa is af garad iyo isu tanaasul.
Xukuumada iyo xisbiga kulmiye ba waa in ay bulshada ka raali galiyaan xurguf tankii iyo is qab qabsigii ku yimi xisbiga iyo xukuumada ee xitaa gaadhay in wasiiradii lagu yidhaahdo is cadee oo dhinac la safo.

Allaa Mahad Leh
By: Mohamed Hamud Ali
Burao – Somaliland
Hamudson@Gmail.Com