”Maxad Ka Taqaan Waddamada Aduunka Ugu Facaweyn Baro Mid Kamid Ah :- Waxa Soo Diyaariyay Ibraahin Diiriye

image

London(SM)Waddanka ciraaq oo ka mid ah waddamada adduunka ugu taariikhda dheer waxa uu maanta ku jraa marxalad aad u adag.Haddaba bal waxa aan isku deyi doonaa in aan idiin soo gudbiyo taariikhda faca weyn ee uu leeyahay
Ciraaq oo macnaheedu yahay(labada webi dhexdooda) Waxa uu ku dhacaa koonfur galbeed ee qaaradda Asia,Waxaana mara labada webi ee Dejla iyo Furaat oo ka soo biyo shubaa taagaada ku taal Armina,kuna kulma meel 100km woqooyi ka xigta magaalada Basra,halkaas oo loo yaqaaan SHATTA-Al-CARAB afkana ku haya gacanka carbeed.

Taariikhdii hore ee Ciraaq
Intii u dhaxeysay sannadihii 1153—1595 BC(dhalashadii ciise ka hor)waxa xukumayey boqortooyaddii Kaashi.
Intii u dhaxeysay 337—224BC Waxa xukumayey Saasaaniyon
Intii u dhaxeysay 661AC(11-40Hijri)—632 Waxaa xukumayey Khulafadii Nebiga(SCWM)Waxaana isaga danbeeyey dowladhii islaamka sida Ummawiyiintii,Cabbaasiyiintii iyo Cusmaaniyiintii ilaa laga soo gaadho qarnigii 19aad.Intii u dhaxeysay sannadihii 1914—1918 Waxaa dalka ciraaq ay dagaal la gashay boqortooyaddii ingriiska waqtigaa ka dibna waxa uu waddanku gebi ahaanba gacanta u galey dowladdii ingriiska halkaasi oo uu ka sameeyey maamul goboleedyo ay xukumaan boqorro carbeed. Dagaallo dhaadheer oo ay ummadda reer ciraaq la galeen gumeystihii ingriiska ka dib waxa Boqorkii afka dhulka u daray sarkaalkii la odhan jirey Cabdikariim Qaasim July1958, ka dibna waxaa lagu dhawaaqey Jammuhuuriyadda Ciraaq oo uu madaxweyne ka noqdey Maxamed Najiib Rubeycii,hadana bishii febebrwery1963 ayaa waxa xukunkii dalka ciraaq la wareegey bacsiyiinta oo uu hogaaminayey Cabdilkariim qaasim waxa haddana madaxweyne ka noqdey Cabdisalaam caarif oo aan isagu ka mid aheyn bacsiyiinta.Sannadkii 1968 waxa xukunka waddanka ciraaq la wareegey Axmed Xassan al-bakar waxaanu xidhiidh saaxiibtinnimo la sameystey dawladdii midowga sovietkamarka markii ugu horreyesay.Sannadkii 1971 waxa uu kala wareegey shirkadihii ajnebigaa ahaa dhammaan ceelashii petrolka, Waxaannu heshiis la sameystey kurdiyiinta ciraaq.1979 waxa xukunka dalka ciraaq la wareegey Saddaam Xuseen ka dib markii uu xukunka uga degey Axmed Xassan al-bakri.Sannadkii 1980—1988 waxaa dagaal aan kala go, laheyni dhexmaray waddanka ciraaq iyo Iiraan Dadka ku dhinteyna waxa lagu qiyaasay hal milyan oo oo qof. 07July1981 waxaa dalka ciraaq duqeyn xagga cirka ku qaadey waddanka Isreal iyaka oo baadi goobaya goob lagu sameeyo hubka wax gumaada.1990 markii ay ciraaq qabsatey Kuwait dagaal ka dibna ay xulafaddii isbaheysatey ka saartey waxa waddanku galey go,doon ilaa 2003,Isla sannadkaa ayaa mareykanku weerar dhinaca cirka ah ku bilaabay waddanka ciraaq Waxaana la qabsadey bishii April2003. Markey taariikhdu aheyd Jul2004 ayaa waddanka Ciraaq laga dhawaaqey maamulka shiicadu ka arrimiso.Ilaa tariikhda aynu halka sare ku soo xusnay waxa dalka ciraaq ka dhacayey kacdoono isdaba jooga oo ay dadka reer Ciraaq kaga dhiidhiyayaan in ay kula soo noqdaan xorriyadooda waxaase aan marnaba meesha ka maqneyn gacanta cadowga oo kolba midab cusub soo huwaneysa Waxaana hubaal ah in guushu ku danbeyn doonto dadka reer Ciraaq ee xaq ku dirirka ah.
Qalinkii
ibrahimderia@yahoo.com
Ka Dhiibo Fekerkaaga