Maxaynu Askar U Noqonweynay !? Cumar Seerbiya

MAQAAL

Maxaynu Askar U Noqonweynay !? Cumar Seerbiya

Dhinac waa ka sixitaan dhanka waa ka madadaalin baal kalena  waa ka xog waramid wax loo soo joogay  oo waqtigan ku haboon in wax laga  sheego

Sideedaba  marka laga sheekaynayo arrin  aad  waaqica deegaankaaga  ka jirta aad u adeegsan karto  waxa  kuu samaynaysaa macno gaar ah sababtuna waa adiga oo  tusaale iyo tilmaan ugu adeegsan kara.

Waxaan qayb qoraal yar  ku darsanayaa sheekada Maxaynu Askar U Noqonweynay? oo runtii fikir  iyo maskax furan  lagu  cabiray  waxii  hore looga yidhi.

muddo haatan laga joogo sannado ku siman laba  waxa aniga oo fadhiga goob Maqaayad  laga cunteeyo, iigu yimi  nin aanu asxaab  dugsi waxbarasho  isku ahayn waa Guuleed oo hareeraha ayuu baalo daymoonayaa  waxaad moodaa in cabaar la eryanaayey salaan ka dib  wuu ila fadhiistay isaga oo hadana dhinacyada  sii eegaya  waan dareemay in ay wax  la soo darseen  daqiiqado ka dib ayaan weydiiy  bal waxa ku soo kordhay  , isaga oo niyadiisa  qosol ka dhaadhicinaaya ayuu iiga sheekeeyey waxa uu la kulmay  kuwe” markii aan guriga ka soo baxaayey  ee aan soo labisanaayey  waxa dharkayga ku dhex arkay surwaal Tuute ah (dirayska askarta) oo aan muddo ka hor ka iibsaday suuqa balse aanan wali xidhan “ marka uu halkaasi marinaayo Guuleed sheekada ayaa waxaan eegay Suraalka uu  hada xidhan yahay  waxaanan arkay  in uu waqtigan sito mid hun ah (duug) balse  aanan ahayn dirays askareed ii sii wad Guuleed sheekadii oo yidhi “ Ka dib  waan soo xidhay  surwaalkii markii aan  ilaa toban daqiiqo  gurigii aan soo mooganaa (kasoo maqnaa) waxaan isku dayey  in aan meel  waddo laamay ah aan ka talaabo  waxaan arkay laba nin oo dhinaca kale ee laamayda taagan oo isoo eegaya (fiirinaaya) waan eegay  dhankoodii markii ay indhahayagu isku dhaceen  ayey ii  yeedheen , u tagay , isla markiiba waxay I weydiiyeen  saldhigeed ka tirsanthaya ? si kaftan ah ayaan  ugu yidhi Saldhig hebel, ma ogi waxay markaasi uga jeedaan balse waxaan isleeyahay  waa iska ilaaqtan uun (Ciyaar) waxay I weydiiyeen magacaa ? u sheegay in  Guuleed yahay magacayga, teleefan ayey markiiba direen waxaana la hubiyey in aan ka tirsananay saldhigaasi aan sheegtay iyo in kale  markii aan maqlay in qof hadalkaygii laga hubinaayo ayaan  dib u gurtay  oo aan idhi” waan kaftamaayey ee maxaa u jeedeen idinku ?  ii may  jawaabin xoogaa yar ka dib waxa lagu soo celiyey  teleefankii uu mid ka ahi diray waxaan ka fahmay  in fariin  maya ah loo sheegay  oo ah in aan nin Guuleed magaciisu yahay katirsanayn  saldhigaasi .

ragani labaduba waxay  ku labisan yihiin dharkii askarta  laba qorina waa sitaan  waxayna isla markiiba igu amreen in aan fuulo baabuurkoodii oo aan ka fogayn lay kaxee layna gee saldhigii aan sheegtay ?  maxaad ahayd  waa su’aashii ugu horaysya ee uu I weydiiiyey taliyihii saldhigu?.u sheegay in aan  ahay nin dhallinyaro shicib ah inta uu xadhig ugu amray ayaa hadana la I weydiiyey  dharkan aad xidhan tahay (qabto) iyo kaygan  (ka taliyaha) bal isku eeg ? waxaan ugu jawaabay surwaalka ayaanu iskaga mid nahay? Hadana  I sii weydii  oo yidhi “ shaadhka (Shaatiga) isaga  iyo kuwakale ee dadku ay xidhaan ma isku mid baa  (shicibka)? Ugu jawaabay” maya  oo isna garbaha  ayuu  wax ku leeyahay  waxaanu yara shabahaa dirayskii askarta”.

 marka ay halkaasi marayso ee aan anna dhagta u taagayo meesha ay sheekadu iskugu biyo shubato  waxa uu intaasi ii sii raaciyey in dedaal u galay sidii  uu taliyaha  saldhiga ugu qancin lahaa in  uu dharkan  xarago ahaan uun u sitay balse ayna ka ahayn faro-gelin shaqada ciidanka  waxaana  soddon daqiiqo ka dib loo ogolaaday in uu ka baxo saldhiga  isaga oo waliba lagu armay in uu bixiyo dharkii uu markaasi xirnaa  looguna bedelay mid hun ah oo markaasi yaallay meesha saldhiga  ahna dharka shacabka.

Aniga oo sheekadaasi Guuleed maanka ku haya  waxaan habeen kale kulanay  nin asxaabta ka mid ah   oo ah suxufi waxa uu  si kooban iigaga waramay sheeko muddo yar socotay balse hadal haynteedu waqti badanmaskaxdayda ka sii guuxaysay  waxayna ahayd sida uu iigu sheegay  “Nin aanu maalin dhaweyd  goob markaasi shir jaraa’id ka socday (hadalka dadka warka sameeya ) aanu ku kulanay oo markaasi  aan u arkaayey  weriye idaacada ma warbaahinta qoraalka ah ka tirsan  marka la eegayo  qalabkii uu warka ku duubayey  ayaan caawa si amni ahaan ah ii baadhay “ hadalkaasi waa ka uu saaxiibkay sheekada iigu ibo fuiray.

 marka uu halkaasi marinaayo  ayaan ku idhi bal ii sii faahfaahi maxaa kala galay suxufi iyo  askari ii siiwad sheekadii “ ka dib maalintaasi ismaanan arag  , caawa (habeenkaasi) ayaanu kulanay  balse  muuqaal kii maalintii hore ka duwan ayaan ku arkay iyo waliba shaqo ka duwan , oo maxay ah ayaan weydiiyey ? waxa uu isaga oo qoslaaya igu yidhi waxa uu ka mid ahaa askar baadhitaan ka waday jidka dhexe ee Hargeysa  isaga ayaana baabuurkaygii baadhay

Labadan sheeko markii aan is bar—bar dhigay  waxaan  is weydiiyey askarigiiba  waakan Suxufi noqdaye  Suxufigu maxuu askari u noqon waayey ?

Cumar Seerbiya

Hargeysa Somaliland

Omarserbia1@hotmail.com