Miidaan Taxreer ha la sameeyo hadii diwaan gelin ama doorasho dhici weydo by Abdi Mustafe

MAQAAL
Wey sahlantay sida shicibku madaxtooyada uu dhul gareer uugu ridaa oo kama xoog weyna Tunis, Libya, Egypt iyo Syria iyo xukuumado kale oo badan. Madaxda Africa kursi jacayl daraadii waxay sugaan ilaa inta iyaga iyo ubad koodu ku naf waaya yaan oo caqligu wuu ka suulaa.
Si kasta hadii madaxda loo yidhaa nabad gelyo siyaasadeed baa lagu siinayaa ee dalki wuu kaa bur-burayaa ka soo bax ma yeelaan ilaa suuqa meyd kooda la jiid jiido. Mohamed Siyad Barre mareykanka ayaa 1983 ku yidhi xukunka iska wareeji dalki khal-khal buu galay e.
Wuxuu uugu jawaabay waa dad qabaa’il ah oo hadaan ka dhex baxo xabadi iskaga hadhi meyso. Horta run buu sheegay laakiin isagi mee sow kaare xamar kaga muu bixin. Silaanyo dowladii afweyne kama xoog weyna uumana dhawa. Waxay ku simantay magaalo qudha oo soo baxda dabeed dabku dalkoo dhan buu daqiiqad ku gaadhayaa. Silaanyo isaga oo la xaqiijiyey in aannu aad wax u xasuusan oo qoys kiisu dalka ka taliyaan haday hadana doorashada diidaan waxa biyo kama dhib caan ah in miidaan taxriir sameys maayo.
Dhegaha masaabiirta ka saara dadka madax tooyada ku noolow oo taratn ogolaada hadii kale Shicibka waxa ka goa’n in miidaan taxriir la sameeyo. Baashe Cawil ( Morgan ) oon cidi doorani dalkan xukumi maayo. Amina Weris na dub wadnahay dhag lee madaxtooyada uugaga ciyaari meyso ee dalku wuxuu u baahanyay hogaan wax u qabta. In idinku filan waa jaqdeen ee ka urursada oo si nabad gelyadiinu ku jirto doorasho ku qabta waa ogtiin in nidaamka Silaanyo la nacay oo aan cidi vote idin siinayn e.