MUQUUNINTA MUUSE EE MURASHAXNIMADA, ISMAROORINTA MADAXWEYNE SIILAANYO , WAR MOOGANAANTA MADAXTOOYADA IYO FARA MADHNAANTA MACAANJECESHA IYAMAA GUUL DARRO AH.

image

Qoraalkan yar ee kooban waxaan ku falanqayn doonaa siyaasada isbedbedalka badan ee xisbiga kulmiye iyo garbaha ku loolamaya hanashada guusha u dambaysa ee xisbiga Kulmiye.
TANAASUL MISE GARBADUUB
Ayaamahanba waxa warbaahinta Somaliland ay qaadaa dhigaysay gudomiyaha xisbiga kulmiye Mudane Muse Bihi Abdi oo ka tanaasulay musharaxnimadii madaxweynaha ee xisbiga kulmiye. Waxaan social mediaha ku arkayay dad u badan taageerayaasha labada garab ee xisbiga oo qaarkood ay aad uga cadhaysan yihiin tanaasulkaa halka kuwo kalena farxad iyo damaashaad xoogani uu ka muuqday iyagoo u arkayay in lagu kala baxay murankii xisbiga oo guushu raacday dhankii uu hogaaminayay madaxweynuhu.

Hadaba waxay isweydiintu tahay muuse ma maanta ayuu ka hadhay murashaxnimada mise maalintii gartii dhinaca ka rarnayd ay goaamisay guurtidu? Ma waxay taageerayaasha muuse biixi filayeen inuu muuse ku dhex tartamo xisbi golahiisa dhexe uu soo magaacabay ninkii la tartami lahaa, ma waxay filayeen inuu kubada u salaxo siilaanyo oo aynu ognahay in muuse laga reebay hadana ay ku dhacdo shaambada ah WUU TARTAMAY WAANA LAGA BADIYAY EE LAGAMA XUKUMIN GARTII U XAQA U LAHAA.

Waxay ila tahay caqliga saliimka ahi inaanu ogolaanayn in muuse oo siilaanyo loo garbo duubay hadana ay ka suurtowdo inuu siilaanyo rigoole kale u dhigo oo ka dhaliyo. Suaasha labaadna waxay tahay muuse miyuu tanaasulay mise guurti dhexdhexaadnimo wada oo uu arrinkiisii ku aaminay ayaa goaamisay xaajo aanu isagu diyaar u ahayn inuu sameeyo kuna guntatay inuu ka hadho tartanka ka dib markii wixii la isku hayayba ay u xukumeen dhankii kasoo horjeeday ee madaxweyne silaanyo? Suaashan jawaabteeduna way cadahay, wax tanaasul ahi ma jirin balse MUUSE WAA LOO GARBO DUUBAY SIILAANYO, iyadoo waliba ay intaas dheerayd in xukuumadii awood dawladeed u isticmaashay muquuninta garabka hogaanka xisbiga kulmiye.
SIYAASADA MUUSE EE HAATAN TAAGAN
Dadbadani waxay is waydiinayaan sababta uu muuse usii joogo xisbiga kulmiye ee mar haddii hankiisii siyaasadeed la dhabar jabiyay uu isu casili waayay uguna biiri waayay xisbiyada la wada leeyahay ama atleast uu qolyahan inta badan dhabarka uu ku siday ee isagiina dhabar jabisay uu uga caraabi waayay.

Siyaasadu waa sida gameka oo kale marka waran lagula helo looma liico ee warankaaga ayaa loo meel dayaa. Waxaan uga socdaa waa dhab in muuse la dhabar jabiyay markay ugu yartahay shantan sanno ee soo socota ay seejiyeen inuu tartamo laakiin siyaasaduu ciyaaray anigoon isaga faaninaynin ama aan buunbuuninayn waxaan u arkaa inay tahay siyaasad aad qurux badan.

Sababtuna waxay tahay in xukuumadan ay horboodayaan MACAAN JECESHU ay geed dheer iyo geed gaabanba u fuuleen sidee labada mujaahid xisbiga uga qaadi lahaayeen iyagoo adeegsanaya awooda madaxweynaha. Markii dhexdhexaadinta guurtidu ku jirtay waxaan ogayn oo muuse iyo guurtiduba ka markhaati kaceen in garabka madaxweynaha ay shan cisho ku noqnoqanayeen si ay ugu qanciyaan inay aqbalaan dhexdhaxaadinta guurtida, sida xaqiiqadu tahay ahmed siilaanyo waxa aad dabada uga riixayay inaanu dhexdhexaadnimo qaadan ee meesha laga tuuro labada mujaahid qolooyinka macaanjecesha.

Ujeedada u wayn ee ay leeyihiin ayaa ahayd in ay la wareegaan hogaanka xisbiga inta ka horreysa doorashada si haddii axmed laga badiyo (waanay ogyihiin inuu xisbiga guuldaraysanayo haddii axmed mar labaad la soo ciyaarsiiyo e) ay xisbiga u hadhaan, haddii uu guulaystana iyaguunbaa wali u hadhaya xisbiga waana WIN WIN SITUATION ishaafalatadoodu.

Muuse isagoo arrintan ka warhaya ayaa la odhan karaa wuxuu ciyaaraya siyaasada odhanaysa inuu xisbiga u hadho shantana uu ka hadho maadaama odaygii waynaa lagu soo ciyaarsiiyayna ul’a marashaxnimo sanadkan, oo dee isheenaaba inoo macalina sida ay u dhacday ee sharcigee xisbiga iyo kii dalkaba loogu qalloociyay madaxweynaha.
Muse haddii siilaanyo guulaysto wuu ogyahay in macaan jeceshu goor ay noqotoba ka takhalusayaan next termka, sidaas darteed waxa uu istusay in sida qudha ee xisbiga tacabka badani ka galay uu ku haysan karo hogaanmintiisu ay tahay SIILAANYO oo guul daraysta next termka, ka dibna macaan jecesha oo shacbiyad caadiya ah oo aan haysan awoodii madaxweynenimo ee siilaanyo inay ku kala baxaan sharciga.

Taariikhduna waxay ina bartay in khilaafka siyaasiga ah ee u dhexeeya xisbiyada aan ahayn xisbul xaakimka adeegsada awooda dawladnimo marka ay sharciga noqoto inay guushu raacdo hogaanka xisbiga tusaale ahaan SAHAN oo loo xukumay Gaboose, UCID oo loo xukumay Faysal, UDUB oo loo xukumay Rayaale iwm. Guushu aakhirka hogaanka xisbiga ayay raaci doontaa.
Si uu xisbiga kulmiye u noqdo mid lawada leeyahay muusana hankiisa siyaasadeed uga midho dhaliyo waxa muhiim ah inuu sii hayo hogaanka xisbiga isla markaana waxa lagama maarmaan ah in hogaaaminta Siilaanyo meesha ka baxdo si ay u joogsato xisbigan loo adeegsanayo awooda dawladnimo.
Waxaan qabaa muuse iyo ina kaahin inay ka warqabeen inaanay suurto gal ahayn in haddii macaan jeceshu ay siilaanyo soo sharaxaan marlabaad ay kula loolami karaan xisbiga dhexdiisa waayo awooda dawladnimo ee gacantoodu ku jirta darteed. Balse danta ay ka lahaayeen murashaxnimada muuse ay ahayduun inay taageerayaasha iyo guud ahaanba bulashada reer Somaliland ay tusaan xaqiiqada dhabta ee madaxtooyada ka jirta si macaanjecesha iyo siilaanyoba u lumiyaan taageerayaal badan doorashadan soo socota una lose gareeyaan. Waxay si direct iyo indirect ahba wax ugu sheegeen taageerayaasha xisbiga, waa ta koowaade muuse musharanimadiisu waxay ka turjumaysay inaan xisbiga kulmiye ku qanacsanayn hogaaminta Ahmed Siilaanyo ee dalka loona baahnaa isbedel xisbiga dhexdiisa si guul dambe loo gaadho. Laba waxay tuseen umadda inaan xisbigu ahayn mid la wada leeyahay ee ku kooban group iyo cid gaar ah. Inay isbaraan Ahmed Siilaanyo iyo taageerayaasha xisbiga.

Waxay is tuseen hogaaminta siilaanyo oo meesha ka baxdaa inay ugu badinaysaa bahwaynta xisbiga, hogaankiisa iyo guud ahaanba umadda reer Somaliland ee ka rajo dhigay xukuumadan maanta talisa. Fikriyan sidaan qabo way gaadheen hadafkoodii labada mujaahid oo maanta aniga iyo inbadan badiba dadwaynihii sida ballaadhan u support gareeyay in Ahmed siilaanyo hogaanka talada ku guulaysto is baranay mar labaad iyo mar sadexaadba.
MURANKII MA DHAMAADAY MISE WAA WALI
Sida igu maqaalo ah macaan jeceshu kuma qanacsana hogaaminta xisbiga ee labada mujaahid, waxa ay si fiican ugu muuqata in Siilaanyo guul daraysan karo waliba si wayn, dabadeedna xisbiga raga isku hayaa ay isla gali doonaan maxkamada sharciga, haddii ay taasi dhacdona xisbiga taladiisa loo xukumi doono hogaanka maadaama xukuumadoodii meesha ka baxday, sidaas darteed si ay u hantaan hogaaminta xisbiga inta ka horreysa doorashada ee ay adeegsan karaan awooda dawladnimo waxa ka go an inay mar kale soo rogaal celiyaan oo GAL DACWADEED la hordhigo siilaanyo si labadan mujaahid looga takhaluso, arrintani way ku adkaan doontaa maxaa yeelay labadan mujaahid way kasii gaashaateen oo aqbalaadii goaamadiii guurtida iyo ganacsatadu waxay ahayd siyaasad aad u qurux badan oo ay dheeleen, maxaa yeelay nimankii shalay laga hiiliyay ee aqbalay wax walba in siilaanyo mar kale ka daba yimaado way ku adkaan doontaa oo doorkan isagaa loo arki doonaa tuke baal cad oo meeli u cadahay.
waxa la odhan karaa muuse maalinta laga badiyay waa maalinta hogaanka Xisbiga laga qaado ama doorashada uu siilaanyo dib ugu guulaysto taasoo ay u badantahay inuu siilaanyo rumeeyo riyada macaan jecesha xisbiga taladiisana uu gacanta u galiyo, labada mujaahidna mariyo waddo cad oo toos uga saari karta siyaasada guud ahaanba.
Isku soo wada duuboo filo dagaal qadhaadh oo macaanjeceshu ay kusoo rogaal celin doonto hogaanka xisbiga waayo maanta iyaga ayay ku foorartaa sida ay wax u socdaan, mana aqbalayaan. Hopeka qudha ee ay leeyihiin waa siilaanyo oo guulaysta doorashada soo socota taasina aadbay u adagtahay probabilityigeedu. Arrimahani waxay muujinaysaa inaan khilaafka kulmiye wali fari ka qodnayn.
Faalladii Osman Alabohaye
Chartered Certified Accountant
osmani@accamail.com