Muse Biixi mucaarad kama dhex noqon karo Kulmiye ee ha tashado intaan Silaanyo eryin by Abdi Mustafe

Daawo : Hees Cusub Oo Loo Sameeyay Muuse Biixi ” Kurigaasaan Caashaqayee Madaxweyne Kol Idhaha “
Muse waxa ku dhacay gar aan isaga iyo shicibka toona u cuntamin.
Muse in uu yeelo gar uu Suleiman gaal abaan duule ka yahay may ahayn iminka iyo haatana ma ahaan kartid gudoomiye kulmiye oo isla mar kaana mucaarad ku ah Silaanyo. Wax caqliga geli kara maaha waxayna ku muteysiin in xisbiga dibida lagaa dhigo. Hadaba maanta tani kugu dhacdey ee si aan mar labaad aan laguu bahdalin intay goori goor tahay ka bax Kulmiye oo beeshaadana kaxayso oo UCID ku biir oo ka shaqee sidii aannu Silaanyo u soo bixi lahayn.
Midhka qudha ee kula gudbooni waxa weeye in aad ficiltanto oo aad beeshaada u sheegto in aan Silaanyo marna raali ka noqon doonin in cid kale iska sharaxado xisbiga kulmiye. Dowlada oo la nacay darteed ayaa taageera yaal badani kula socdeen hase yeeshee hoos baad isu dhigtay markaad gartii aqbashay. Caana daataba daba deed la qabay ee Silaanyo ka hoos bax intaannu ku eryin.