Muuse Aan La Hadlo , Odaygana Aan Hal Idhaahdo , Guurtida Aan Yar Hujuumo!

Asalaamu Calaykum dhammanba hawlwadeenada shabakadaha baahinta iyo shacabwaynaha dhammaantood-ba.

MAQAAL

 
Khilaafka KULMIYE iyo hadalhayntiisu maalmahan waa hawl badanyd ninba meel ka hujuun , aniguse waxaan doonayaa inaan talo waayeel ku darsado. Inta aanan talada u galin waxa iga xasuusin ah saddex xisbi ayaa wadanka hore uga jiray intii aan xisbiyada kale la furin , saddexdaas xisbi isu sheegi mayno oo waynu garanaynaa , saddexdaas xisbi waxay lahaayeen saddex gudoomiye oo uu ka mid yahay madaxwaynaha hadda talada haya mudane axmed maxamed maxamuud(Siiraanyo), waxaa hadaba xusid mudan qofka intiisa waa loo qiraa ballanqaadkii wareejinta gudoomiyenimo waxa ka dhabeeyay oo kaliya Siiraanyo , kolay anigu ka garniqi maayo oo ballamo hoose ma ogayn , laakiin qodabkaa isaga ah waxa uu madaxwaynuhu wareejiyay isaga oo aan kursigaba ku fadhiisan, sida aynu ognahay labadii xisbi ee kaleba arimahaas ayay isku khilaafeen.
 
Hadii aan usoo noqdo kalmadayda iyo talada ii muuqata , muuse hadal ayaan odhan lahaa , muusoow horta odaygu intaas aan sheegay fuli oo gudoomiyihii waa kugu wareejiyay  ballanmihiina hoose idinkaa naga ogaa  laakiin ma ahayn wax la shaaciyay oo ummadu idinla ogayd , hadiise ay jirteyba oo wax ka soo noqdeen maalin ayaa khilaafkeedu kuu ekaa oo waa maalintii tartanka xisbiyadu furaa kolaad sidaas gudoomiye cirro xisbi ku hesho , laakiin maanta saddex mid uunbaa kuu furan , mid yeelimaysid oo waan ogahay oo iyada waa iskaga tagayaaye, labo mid uun yeel :
 
1. Nasiibkaaga xisbiga dhexdiisa ka qaad oo odayga la tartan , musharaxnimada xisbiga dhexdiisa iyo golohiisa dhexe kula tartan , waxaanse odhan taa hadaad samaynaso mid xasuusnoow , madaxwayne lala tartamay oo xisbul xaakimkiisii lagula tartamay taariikhdu siday sheegtay xageena lagama guulaysan oo ragii labada cod ee keliya helay kama fiicnid , kamana shacbiyad badnid ee taa ha ku degdegin ayaan ku odhan lahaa.
 
2. Ta labaad ee kuu furani waa inaad ka insixaabto hadda tartanka iyo musharaxnimada oo inta Allaah kuu qadarayo odayga guud ee  xisbiga iska ahaato adiga oo aan xifaaltan badan gelin , taladay waxaan ku odhan lahaa tan danbaa kuu hawl yar.
 
Odayga aan hal idhaahdee , madaxwayne mid la yaab kuma lihid oo kursigan macaanka badan ee aadka loo jecelyahay hortaaba nin shan sano ama wax ka yar kaga tagay cabduraxmaan tuur (AHN) dabadii lama sheegin nin geeriyi ka kaxayso ama ku gaamura mooyee , markaa hadii  shan sanooo kale damac kaa galay taas layaab kuma lihidoo waa la arki jirey , hadiise ay xadhiga cid kale usii dhiib kaa tahay  taladay muuse loogama mudnee muuse u daa, madaxwaynahana intaas ayaan odhan lahaa.
 
Guurtida waa dadaalayaan  baryahanse dame waxoogaa meel dhexe ayay wax dhigaan , iyagana halbaan odhan lahaa rag haduu wax isku qabsado waa la kala dhaqaajiya oo nin uunbaa la yidhaahdaa iska tag adigu maanta , waxaan idinkula talin lahaa arinta yay xagal ka daacin ee si cad u waajaha , waligiin inaga ilaaliya hebel gar leh , heblka kalena daw leh, taasi waa hadimooyinka xamar la degi la,dahay ( Caydiid gar leh , Calina gar leh ).
 
Abwaan Qorane Wacays (Gabayxoog)