Muuse Biixi Oo Madaxweyne Siilaanyo uga Hadhay Murrashaxnimadda Madaxweynaha

image

HARGEYSA (SM)-Ganacsatadda waaweyn ee Beelaha Subeer Awal, ayaa war-saxaafadeed ay caawa soo saareen ku shaaciyay in Gudoomiye Muuse Biixi uu Madaxweyne Axmed Siilaanyo uga hadhay tartanka murrashaxa madaxweynimadda xisbiga KULMIYE dhexdiisa doorashada soo socota ee madaxtinimadda dalka.

War-saxaafadeedkaasi oo dhamaystiranna waxa uu u dhignaa sidan “Khilaafkii KULMIYE Ee baryahanba soo jiitamayey, waxa si xilkasnimo ah u soo afjaray ganacsatada waaweyn ee beesha Sacad Muuse, waxayna soo saareen qodobbadan.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Md. Muuse Biixi Cabdi, wuxuu jagada Musharaxnimada shanta sano soo socota uga tanaasulay Madaxwaynaha Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) taasoo si niyad sami la isugu afgartay, kuna dhamaatay inay is gacan qaadaan Madaxwaynaha iyo Guddoomiyaha KULMIYE, Ka dib kulan dhex maray Caawa (Xalay)

Magacyada Ganacsatada Beesha Sacad Muuse.

Maxamed Aw Siciid Geeddi.

Jaamac Oomar.

Rashiid Ibraahim Ciise.

Maxamed Xuseen Axmed.